Ciidanka Badda iyo adkaynta awooda ay u leeyihiin inay ilaaliyaan Nabadgeliyada Badda
March 18, 2015 - 12:47Dedaaladda ay Midowga Yurub ugu jiraan inay kor ugu qaadaan xaalladaha dawladdaha gobolka ee la xidhiidha awoodahooda nabadgelyada baddaha ee Geeska Afrika. 15ka Maarso 2015 EUCAP Nestor waxay Ciidanka Badda ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku wareejisay lix gaadhi oo ah Nisan 4×4, qalabka ITga iyo agab isgaadhsiineed.
Munaasibadda wareenjinta qalabka iyo gawaadhida waxay ka dhacday xarunta EUCAP Nestor ee Mogadishu, waxaana ka qaybgalay Madaxa Hawl-galka EUCAP Nestor Ms. Etienne de Poncins iyo Madaxa Xafiiska EUCAP Nestor ee Soomaaliya, Pierre-Aimé Riccio. Waxaa kaloo ka qaybgalay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Nabadgelyada, Janaraal Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, Abaanduulaha Ciidamada Difaaca, Janaraal Daahir Aadan Cilmi iyo Madaxa Ciidanka Badda Soomaaliya, Admiral Nurey, Taliyaha Hawlgalka Tababarka Ciidamada ee Midowga Yurub ee Soomaaliya , Janaraal Antonio Maggi. Sidoo kale waxaa ka soo qayb-galay wakiilo ka socday Ciidamada Badda ee Midowga Yurub.
Gen. Cabdiraxmaan oo ka hadlay munaasibadda ayaa yidhi “Soomaaliya waxay leeday xeeb dheer oo u baahan in la ilaaliyo. Maaha markii ugu horeysay ee ay EUCAP Nestor caawiso Ciidanka Badda Soomaaliya, si wayn ayaanu ugu faraxsanay taageeradiina joogtada ah”.
Etienne de Poncins oo sidoo kale hadlay munaasibadda ayaa wuxuu yidhi, “12kii bilood ee la soo dhaafay EUCAP Nestor oo kaashanaysa Ciidamada Badda ee Midowga Yurub iyo shuraakada kale waxay siiyeen xirfadaha aasaasiga sida bad-maaxidda iyo tababaro la xidhiida baadhitaanada oo lagu bixiyay dalka Djbouti. Tababaradaasi oo loo qabtay saraakiil iyo shaqaale ka socda Ciidanka Badda Soomaaliya. Bixinta gawaadhida, qalabkan ITga sida computerada iyo qalabka GPSka waxay caawin doonaan korna u qaadi doonaa awoodahooda dhinaca barriga iyo isku xidhka xaga ITga.
Bixinta qalabka ee Muqdisho la siiyay waxay tusaale kale u tahay habka dhamayskatiran ee ay Midowga Yurub u taageeraan Soomaaliya. Taageerada labada dhinac iyo xidhiidh wanaagsan ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo Hawlgaladda ay la walaaladda tahay ee EUCAP Nestor, EUTM ee Soomaaliya iyo Ciidamada Badda ee Midowga Yurub.
Markabka Calansidaha Ciidamada Badda ee Midowga Yurub, HNLMS Johan de Witt, ayaa caawiyey in labada gaadhi la soo mariyo badda laguna soo dejiyay markabka yar ee xambaara qalabka iskood isaga dejiy alaabta saran kuwaas oo lagu dajiyay gawaadhida. Halka ay dhinaca dhulka ay ka caawinayay shaqaalaha EUTM.
Latest News
-
AFTER A MONTH IN COMMAND OF OPERATION ATALANTA TASK FORCE 465, COMMODORE DIOGO ARROTEIA REFLECTS BRIEFLY ON THE MISSION AND ITS NEW MANDATE.
-
Operation ATALANTA´s new mandate enters into force on 1st of January 2021. New tasks will reinforce the EU NAVFOR’s counter-piracy core responsibilities.
-
EU NAVFOR ATALANTA PROVIDES SUPPORT TO UNODC YEMEN COAST GUARD REGENERATION STRATEGY
Press releases
-
Operation ATALANTA´s new mandate enters into force on 1st of January 2021. New tasks will reinforce the EU NAVFOR’s counter-piracy core responsibilities.
-
EU NAVFOR ATALANTA PROVIDES SUPPORT TO UNODC YEMEN COAST GUARD REGENERATION STRATEGY
-
Commodore Diogo Arroteia, Force Commander of the 36th rotation shares his first impressions on the operation