Markabka Laga Hogaamiyo Ciidamada Badda Ee Midoowga Yurub ESPS Galicia oo Soo Dhaweeyey Saraakiil Soomaaliyeed
June 5, 2015 - 08:22Maalintii talaadadii 26ka bisha Maayo 2015, Markabka Laga hogaamiyo ciidanka badda ee Midoowga Yurub ESPS Galicia oo laga leeyahay dalka Spain, ayaa dushiisa lagu soo dhaweeyay saraakiil Soomaaliyeed. Kulamadan noocan ah ee lagu qabto aga gaarka xeebaha Soomaliya waxay xoojiyaan xiriirka ku salaysan isfahamka iyo is aaminaada ee u dhexeeya ciidanka ladagaalanka burcad badeedka iyo bulshada Soomaliyed.
Madaxdii munaasabada kaqeybgashay waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay kabtanka markabka ESPS Galicia, kaasoo halkaas ugu bandhigay doowrka hawlgaleed eey ciidanka badda ee Atalanta ka geysato xeebaha Soomaliya.
Wuxuu halkaas ku sharaxay sida eey ciidanka badda ee hawlgalka Atalanta marakiibtooda dagaalka iyo dayuuradahooda kormeera badda ay uga hortageen burcad badeedka, hadda iyagoo iska kaashanaya ergada heeyada EUCAP Nestor, eey ka caawiyaan ciidamada gobalka hor umarinta iyo xoojinta awoodaha badda, si eey uga nabadgaliyaan xeebahooda burcad badeedka iyo falal danbiyeedka badaha.
Markii lagu guda jiray wada hadallada, waxay madaxdu cabasho kasoojeediyeen dhowr arrimood oo muhiim u ah, sida, dhibaatooyinka ay ku qabaan maraakiibta ajanabiga ah ee ka kalluumeeysta xeebaha Soomaliya iyo waliba waqtigii duufaanada Monsoon oo kusoofood haya, iyo saameeynta eey ku leeyahiin baayacmushtarka.
Saraakiishan ayaa ugu mahadnaqay ciidanka ilaalada xeebaha shaqada ee qabtaan, waxanayna ka hadleen aragtidooda mustaqbalka – waddan xasilan oo horumar leh.
Inta aanay ka soo dagin markabka, waxaa saraakishii qaar kamid ah oo xanuuno yar yar qabay eey daaweeyeen dhakhaatiirta la socday markabka. Madaxda halkaas waxay ka sheegeen in eey aad ugu faraxsanyihiin shaqada eey qabtaan ciidanka badda ee Midowga Yurub, si eey ugu sugaan amaanka baddaha Soomaliya.
Latest News
-
EU NAVFOR Somalia CTF-465 conducts integration activities off the Coast of Somalia for the new 37th rotation to settle in
-
Operation ATALANTA receives reinforcements of the shipping industry ( AZAMARA CRUISE)
-
Security considerations if diverting around Africa
Press releases
-
Force Commander EU NAVFOR Somalia meets with his CMF counterpart to coordinate and de-conflict after approval on new Operation Atalanta mandate
-
Operation ATALANTA´s new mandate enters into force on 1st of January 2021. New tasks will reinforce the EU NAVFOR’s counter-piracy core responsibilities.
-
EU NAVFOR ATALANTA PROVIDES SUPPORT TO UNODC YEMEN COAST GUARD REGENERATION STRATEGY