Markii Markabka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee HSwMS Carlskrona Ayaa Badmaaxyo Hindi ah Ka Badbaaday Weerear Ka didib Markii Ay Budhcad-Badeeda ku qasbeen inay ka laabtaan Weerar ay ku Qaadi Rabeen Markabkooda Xamuulka
July 10, 2013 - 16:38Ciidamada Bada ee Midawga Yurub iyagoo kaashanaya markabka Ciidamada Badda ee NATO ayaa hareereyay markabkab budhcad-badeed la wareegtay shalay subaxdii (15 June 2013) isagoo jooga Gacanka Cadmeed dhexdiisa, saacdo uun kadib budhcad-badeedii dib ayay uga laabteen weerarkooda. 14 badmaaxe oo Hindi ahaana hada way nabadqabaan
Hada ka hor ayay budhcad-badeedu isticmaaleen markabkan oo ah nooca loo yaqaan Dhaw ee xamuulka qaada si ay ugu suurto gasho inay meel fog ku tagaan uguna weeraraan maraakiibta ganacsiga.
Kabtankii markabka shiraaca ah ayaa shalay subaxdii fariin soo diray taas oo uu ku sheegay in ay soo weerareen 12 nin oo hubaysan. Markii ay fariinta maqleen ayaa marbaka HSwMS Carlskrona oo Ciidamada Bada ee boqortooyada Iswidhan leedahay kaas oo taniyo 6 April qayb ka ahaa Hawlgalka Atalaanta ee la dagaalanaka budhacad-badeeda ayaa aagii xidhay oo ilaa gabalku ka dhacay ishana ku hayay markabka.
Diyaaradb helikobtar ah ayaa iyana dusha kala socotay taas oo keentay in budhcadii culays badan dareeman deedna waxay ka codsadeen kabtankii doonta in uu u dhawaado dhinaca xeebta Soomaalida si ay uga fakadaan xiliga gabaldhaca.
Wax yar ka bacdi, waxay ahayd war farxadle in uu kabtankii doontu shiraacu soo hadlo isaga oo sheegaya in budhacdii ka dagtay iyadoo aanay wax dhaawaci soo gaadhin shaqaalihiisii.
Isaga oo arinta ka hadlayay ayaa Taliyaha Ciidamada Bada ee Midawga Yurub, Admeral Dhexe Bob Tarrant waxa uu yidhi “waxaa muhiimka ahi waa in 14ka naakhuude oo Hindida ahi ay badqabaan ay ku laabanayaan qoysaskoodii argagaxii soo maray ka dib. Weerakan ugu dambeeyayna waxa uu markale muujinyaa in halista budhcad-badeedu tahay mid xaqiiq ah. Waana inaan dhamaanteen ahaano kuwo foojigan”
Latest News
-
AFTER A MONTH IN COMMAND OF OPERATION ATALANTA TASK FORCE 465, COMMODORE DIOGO ARROTEIA REFLECTS BRIEFLY ON THE MISSION AND ITS NEW MANDATE.
-
Operation ATALANTA´s new mandate enters into force on 1st of January 2021. New tasks will reinforce the EU NAVFOR’s counter-piracy core responsibilities.
-
EU NAVFOR ATALANTA PROVIDES SUPPORT TO UNODC YEMEN COAST GUARD REGENERATION STRATEGY
Press releases
-
Operation ATALANTA´s new mandate enters into force on 1st of January 2021. New tasks will reinforce the EU NAVFOR’s counter-piracy core responsibilities.
-
EU NAVFOR ATALANTA PROVIDES SUPPORT TO UNODC YEMEN COAST GUARD REGENERATION STRATEGY
-
Commodore Diogo Arroteia, Force Commander of the 36th rotation shares his first impressions on the operation