Xarunta Amaanka Badaha ee Geeska Afrika

Xarunta Amaanka Badaha ee Geeska Afrika (MSC-HOA) waa hindise ay iska kaashdeen Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalaanta (EU NAVFOR) iyo ganacsatadu. (Click here to read this page in English)

Xarunta Amaanka Badaha ee Geeska Afrika waxay bixisaa adeeg kormeer 24 saac ah oo ay siiso maraakiibta ka gudbaya Gacanka Cadmeed iyadoo diyaarisay websayd lagu xidhiidho kaas oo u suuro galinaya xaruntu inay faafiso tusmooyinka hadba ugu dambeeya siisona ganacsatada iyo kambaniyada maraakiibta iyo shaqaalohooda si ay isu diwaan galiyaan dhaqdhaqaaqyadoo gobolka.

Hindisaha kale waxa uu yahay soo bandhigida Kooxda Gudbinta (Group Transit) taasoo maraakiibta la isu duwo si ay uga gudbaan aagaga halista ah xiliyada habeenkii marka weerarada la yareeyo. Tani waxay u sahlaysaa xoogaga ciidanka inay aaga sii eegaan/hubiyaan ka hor maraakiibta ganacsiga. Xarunta Amaanka Badaha ee Geeska Afrika waxay ogaanaysaa maraakiibta ganacsiga ee nugul waxayna is ku xidhaa diyaarinta badbaadinta ku haboon taas oo laga heli karo Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalaanta (EU NAVFOR) ama ciidamada kale ee gobolka.

Ugudambayntii, Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalaanta (EU NAVFOR) waxay si joogto ah ama caadi ah u filisaa hawlaha diirada la saarayo taasoo looga gol leeyahay in lagu gaadho saamayn xadidan oo aag ama xili goan leh. Ciidanka ayaa la isku keenaa si loo gaadho saamynta xadidan Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalaanta (EU NAVFOR) waxay saamayn, difaac amaba aragti ka bixisaa talaabooyinka sharciga ah iyo kuwa aan sharciga ahaynba si loo hagaajiyo isku xidhnaanta hawlaha mustaqbalka si looga hor tago budhcad badeeda iyo tuugada hubaysan taas oo xaqiijinaysa ganacsiga sharicga ah ee badaha. Markab kasta oo ka gudbaya Gacanka cadmeed ama xeebta Soomaaliya waxaa is adag loogula talinayaa in si hordhac ah iskaga diwaan galiyo websaytka Xarunta Amaanka Badaha ee Geeska Afrika.