Somaliya iyo Eu da oo iska kaashanaya dhinaca amaanka bada
September 5, 2013 - 17:08
4 tii bishan September 2013, meel ka baxsan biyaha xeebta magaalada muqdisho, markab ay leedahay ciidanka bada ee midowga yurub ( EU NAVFOR) Atlanta , ayaa lagu maritiqaaday madaxweynaha Somaliya , Xasan Sheekh Maxamud. Martiqaadkani wuxuu ka dhacay markab ay leedahay dowlada Nederland oo hada ah fadhiisinka ciidanka bada ee midowga yurub ee EU NAVFOR. Markabkan waxa lagu magacaabaa HNLMS Johan de Witt. Fadhigan waxa ka qayb galay Madaxweynaha, wasiiradiisa iyo taliyayaasha dhinaca amaanka iyo ergayga gaarka ah ee isbahaysiga yurub EU u fadhiya Somaliya, Michele Cervone d’Urso, iyo taliyaha sare een ciidanka bada ee midowga yurub, Rear Admiral Bob Tarrant madaxa hawlgalka dhismaha iyo tayaynta midowga yurub (EUCAP) Nestor, Etienne de Poncins. Waxa laga wada hadlay sida noocyada kala duwan een farsamo/qalab ee ay leeyihiin wadamada ku bahoobay midowga yurub taageero uga geysan lahaayeen horumarinta qaab qorshe buuxa oo dhinaca bada oo ay yeelato Somaaliya.
Arintani oo lagu asaasay fadhigii u horeeyay oo la qabtay 24 juun, fadhigaas oo ka dhacay markab fadhiisin u ahaa ciidanka bada ee midowga yurub EU NAVAL FORCE. Ujeedada shirkan laga lahaa waxay ahayd abuurista xidhiidh wax wada qabsi oo dhexmara Somaliya iyo midowga yurub, waxa kale oo fadhigani gacan buuxda siinayay shirka caalamiga ah ee soo socda kuna saabsan ka hortaga budhcad badeeda oo lagu qabanayo Dubay inta u dhaxaysa 11-12 sebtember sanadkan 2013 iyo waliba shirka loogu magic daray “Heshiiska cusub ee Somaliya” oo ka dhici doona Burusel. Waxanu bilaabanayaa 16 Sebtember 2013.. Shirkan waxa uu meelmarinayaa heshiis dhexmara Somaliya iyo beesha caalamka kaasoo qeexaya siyaasada hogaanka, habka mudnaanshaha la siinayo ee la xidhiidha amniga iyo habka dhaqan dhaqaale. Ee sanadaha soo socda.
Madaxweyne Xsan Sheekh Maxamuud “ Somaliya aad bay usoo dhawaynaysaa wax wada qabsi dhex mara isbahaysiga yurub EU, si loo hagaajiyo amniga badaha taas oo qayb ka ah hawlgalka balaadhan ee isbahaysiga yurub ka wado Somaliya. Wax wada qabsi dhinaca amaanka baduhu wax uu saamayn muhiim ah ku yeelanayaa horumarinta degaanada xeebaha ee dalkayga. Waxa iga go’an inaan soo bandhigo hoostana ka xariiqo qaab qorshe oo dhamaystiran oo dhinaca badaha ah inta uu socdo shirka ka dhacaya Burusel.
Latest News
-
EU NAVFOR Somalia CTF-465 conducts integration activities off the Coast of Somalia for the new 37th rotation to settle in
-
Operation ATALANTA receives reinforcements of the shipping industry ( AZAMARA CRUISE)
-
Security considerations if diverting around Africa
Press releases
-
Force Commander EU NAVFOR Somalia meets with his CMF counterpart to coordinate and de-conflict after approval on new Operation Atalanta mandate
-
Operation ATALANTA´s new mandate enters into force on 1st of January 2021. New tasks will reinforce the EU NAVFOR’s counter-piracy core responsibilities.
-
EU NAVFOR ATALANTA PROVIDES SUPPORT TO UNODC YEMEN COAST GUARD REGENERATION STRATEGY