Markabka Laga Hogaamiyo Ciidamada Badda Ee Midoowga Yurub ESPS Galicia oo Soo Dhaweeyey Saraakiil Soomaaliyeed

Jun 05, 2015 - 08:22

Maalintii talaadadii 26ka bisha Maayo 2015,  Markabka Laga hogaamiyo ciidanka badda ee Midoowga Yurub ESPS Galicia oo laga leeyahay dalka Spain, ayaa dushiisa lagu soo dhaweeyay saraakiil Soomaaliyeed. Kulamadan noocan ah ee lagu qabto aga gaarka xeebaha Soomaliya waxay xoojiyaan xiriirka ku salaysan isfahamka iyo is aaminaada ee u dhexeeya ciidanka ladagaalanka burcad badeedka iyo bulshada Soomaliyed.


Madaxdii munaasabada kaqeybgashay waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay kabtanka markabka ESPS Galicia, kaasoo halkaas ugu bandhigay doowrka hawlgaleed eey ciidanka badda ee Atalanta ka geysato xeebaha Soomaliya.


Wuxuu halkaas ku sharaxay sida eey ciidanka badda ee hawlgalka Atalanta marakiibtooda dagaalka iyo dayuuradahooda kormeera badda ay uga hortageen  burcad badeedka, hadda iyagoo iska kaashanaya ergada heeyada EUCAP Nestor, eey ka caawiyaan ciidamada gobalka  hor umarinta iyo xoojinta awoodaha badda, si eey uga nabadgaliyaan xeebahooda burcad badeedka iyo falal danbiyeedka badaha.


Markii lagu guda jiray wada hadallada, waxay madaxdu cabasho kasoojeediyeen dhowr arrimood oo muhiim u ah, sida, dhibaatooyinka ay ku qabaan maraakiibta ajanabiga ah ee ka kalluumeeysta xeebaha Soomaliya iyo waliba waqtigii duufaanada Monsoon oo kusoofood haya, iyo saameeynta eey ku leeyahiin baayacmushtarka.


Saraakiishan ayaa ugu mahadnaqay ciidanka ilaalada xeebaha shaqada ee qabtaan, waxanayna ka hadleen aragtidooda mustaqbalka – waddan xasilan oo horumar leh.


Inta aanay ka soo dagin markabka,  waxaa saraakishii qaar kamid ah oo xanuuno yar yar qabay eey daaweeyeen dhakhaatiirta la socday markabka. Madaxda halkaas waxay ka sheegeen in eey aad ugu faraxsanyihiin shaqada eey qabtaan ciidanka badda ee Midowga Yurub, si eey ugu sugaan amaanka baddaha Soomaliya.

Categories