Ciidanka Badda iyo adkaynta awooda ay u leeyihiin inay ilaaliyaan Nabadgeliyada Badda

Mar 18, 2015 - 12:47

Dedaaladda ay Midowga Yurub ugu jiraan inay kor ugu qaadaan xaalladaha dawladdaha gobolka ee la xidhiidha awoodahooda  nabadgelyada baddaha ee Geeska Afrika. 15ka Maarso 2015 EUCAP Nestor waxay Ciidanka Badda ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku wareejisay lix gaadhi oo ah Nisan 4x4, qalabka ITga iyo agab isgaadhsiineed.


Munaasibadda  wareenjinta qalabka iyo gawaadhida waxay ka dhacday xarunta EUCAP Nestor ee Mogadishu, waxaana ka qaybgalay Madaxa Hawl-galka EUCAP Nestor Ms. Etienne de Poncins iyo Madaxa Xafiiska EUCAP Nestor ee Soomaaliya, Pierre-Aimé Riccio. Waxaa kaloo ka qaybgalay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Nabadgelyada,  Janaraal Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, Abaanduulaha Ciidamada Difaaca, Janaraal Daahir Aadan Cilmi iyo Madaxa Ciidanka Badda Soomaaliya, Admiral Nurey, Taliyaha Hawlgalka Tababarka Ciidamada ee Midowga Yurub ee Soomaaliya , Janaraal Antonio Maggi. Sidoo kale waxaa ka soo qayb-galay wakiilo ka socday Ciidamada Badda ee Midowga Yurub.


Gen. Cabdiraxmaan oo ka hadlay munaasibadda ayaa yidhi “Soomaaliya waxay leeday xeeb dheer oo u baahan in la ilaaliyo. Maaha markii ugu horeysay ee ay EUCAP Nestor caawiso Ciidanka Badda Soomaaliya, si wayn ayaanu ugu faraxsanay taageeradiina joogtada ah”.


Etienne de Poncins oo sidoo kale hadlay munaasibadda ayaa wuxuu yidhi, “12kii bilood ee la soo dhaafay EUCAP Nestor oo kaashanaysa Ciidamada Badda ee Midowga Yurub iyo shuraakada kale waxay siiyeen xirfadaha aasaasiga sida bad-maaxidda iyo tababaro la xidhiida baadhitaanada oo lagu bixiyay dalka Djbouti. Tababaradaasi oo loo qabtay saraakiil iyo shaqaale ka socda Ciidanka Badda Soomaaliya. Bixinta gawaadhida, qalabkan ITga sida computerada iyo qalabka GPSka waxay caawin doonaan  korna u qaadi doonaa awoodahooda dhinaca barriga iyo isku xidhka xaga ITga.


Bixinta qalabka ee Muqdisho la siiyay waxay tusaale kale u tahay habka dhamayskatiran ee ay Midowga Yurub u taageeraan Soomaaliya. Taageerada labada dhinac iyo xidhiidh wanaagsan ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo Hawlgaladda ay la walaaladda tahay ee EUCAP Nestor, EUTM ee Soomaaliya iyo Ciidamada Badda ee Midowga Yurub.


Markabka Calansidaha Ciidamada Badda ee Midowga Yurub, HNLMS Johan de Witt, ayaa caawiyey in labada gaadhi la soo mariyo badda laguna soo dejiyay markabka yar ee xambaara qalabka iskood isaga dejiy alaabta saran kuwaas oo lagu dajiyay gawaadhida. Halka ay dhinaca dhulka ay ka caawinayay shaqaalaha EUTM.


https://vimeo.com/122313078

Categories