Badmaaxiinta iyo ciidamada Badda oo kalluumeysatada Soomaalidda kala hadlay sida howlgalka EU NAVFOR ay u difaaci lahaayeen doomaha u raran hay’adda WFP iyo joojiyaan weerarada burcad badeeda

Jul 07, 2017 - 08:52
Intii ay ku guda jireen howlgalka ka dhanka ah kooxaha burcad-Baddeeda Soomaalidda ee ka socda xeebaha dalka Soomaaliya, ciidamada la dagaalanka Burcad-Baddeeda ee Midowga Yurub waxaa ay quudareynayeen sida ay kalluumeeysatada Soomaalidda ugala hadli lahaayeen kaalintooda ku aadan howlgalka Midowga Yurub ee ka socda gobolka.

Markab dagaal oo ay leedahay dowladda Spain ayaa dhawaan waxaa ku kulmay qaar kamid ah kalluumeysatada Soomaalidda iyo xubno ka socday howlgallka, waxaana kalluumeysatada Soomaalidda loo sharxay howlgalkii lagu difaacayay maraakiibta u raran hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP. Waxaana howlgalkaasi uu soo socday tan iyo bishii December ee sanadkii 2008. Waxaana lagu guuleystay in si nabad ah ay Soomaaliya ku yimaadaan 1.5 million oo tones oo ah cuno gar-gaar ah oo loo soo wada dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada Badda sidoo kale waxaa ay sharxaad ka bixiyeen in diyaaradaha iyo maraakiibta EU NAVFOR ay howlgallo looga hortago weerarada burcad-Baddeeda ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya. Howlgalladaasi waxaa uu qeyb ka yihay waajibaadka howlgalka sidoo kale waxaa qeyb ka ah, haddii maraakiil ama doomo aan Soomaali aheyn lagu arko biyaha Soomaaliya, waxaa xogta ku saabsan la isugu keenayaa markabka dushiisa ka dibna waxaa si toos ah warbixinta loo siin doonaan madaxda Midowga Yurub ee ku sugan magaalladda Brussels. Haddii loo arko in ay haboon tahay, tallaabo ayaa laga qaadayaa ka dibna waxaa la maxkamadeynayaa milkiilaha doonta kalluumeysiga.

Tusaale ahaan waxaa jirtay dacwad lagu guuleystay oo lagu qaaday milkiilayaasha Doon kalluumeysi oo lagu magacaabi jiray FV Greko 1, kuwaas oo lagu ganaaxay $ 65,000 ka dib markii sanadkii 2016 ay si sharci darro ah ay uga kalluumeysteen xeebaha dalka Soomaaliya. Maxkamadeyntaasi ayaa waxaa ay noqotay mid macaquul ah kadib markii howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad-Baddeeda uu bixiyay sawiro iyo cadeeymo kale oo muujinaya in doonta ay si sharci darro ah ay uga kalluumeysatay xeebaha dalka Soomaaliya.

Kulankii u dhexeeyay madaxda howlgalka EU NAVFOR iyo kalluumeysatada Soomaalidda ayaa waxaa uu howgalka la dagaalanka Burcad-Baddeeda ee Midowga Yurub uu ka caawinayaa in ay si wanaagsan u fahmaan walaaca ay qabaan kalluumeysatada Soomaalidda.

Howlgalka ilaalada Burcad-Baddeeda iyo tallaabooyinka is-ilaalinta ee saaran maraakiibta ganacsiga ee hubaysan iyo weerada burcad-badeedda ayaa si weyn hoos ugu dhacay sannadihii la soo dhaafay. Bishii January ee sanadkii 2011, 32 markab iyo 736-shaqaalle ah ayaa kooxaha Burcad-Baddeeda waxaa qabsaday Burcad-Baddeeda iyagoona weydiisanaya madax furasho. Maanta ma jiraan marakiib ama shaqaalle gacanta ugu jira burcad-Baddeeda. Sidaasi ayeey yiraahdeen, dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriira Burcad-Baddeeda ayaa ah kuwo dib loo adkeeyay waxaana ay ubaahanyihiin in ay feejignaadaan marka ay maraan Badweynta India iyo Gacanka Cadmeed.

Categories