Mission

Hadafka

Ujeedeeyinka iyo xilka

Midawga Yurub waxa uu ka walaacsan yahay sii-socdaka saamaynta budhcad-badeeda iyo tuugada hubaysan ee bada xeebta Soomaaliya ay ku leedahay nabadgalyada badaha caalamiga ah iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo nabadgalyo dawladaha gobolka.

Sidaas-darteed iyo iyadoo waliba qayb ka ah aragtida guud, Midawga Yurub waxay bilaabeen Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalaanta (EU NAVFOR) taas oo qayb ka ah  Siyaasada Difaac iyo Nabadgalyo ee ay Wadaagaan Wadamada Yurub (European Common Security and Defence Policy (CSDP)) iyadoo la raacayo qaraarada golaha amaanka ee Qaramada Midoobay iyo sharicga caalamiga.

Ka dib markii la bilaabay Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalanta (EU NAVFOR) bishii diisambar 2008, hawlgalku wuu socday si looga midha-dhaliyo ujeedadeeda islamarkaana ay uga qayb-qaadan lahayd nabadgalyada bada ee xeebta Soomaaliya iyo Badwaynta Hindiya. Golaha Midawga waxa uu go’aamiyay in la balaadhiyo hawlgalada ilaa bisha diisambar 2014.

Iyadoo raacaysa xilka Golaha Amaanku u igmaday Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalanta (EU NAVFOR) waxay qaaday talaabooyinkan:

  • Ilaalinta doomaha Barnaamijka Cunada Aduunka ee cunada u wada dadka dalka Soomaaliya gudihiisa ku bara-kacay; ilaalinta maraakiibta Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya AMISOM;
  • Difaaca, ka-hor-taga iyo muquuninta ficilada budhcad-badeeda iyo tuugada hubaysan ee xeebaha Soomaaliya;
  • In si gaar-gaar ah loo ilaaliyo maraakiibta nugul ee xeebaha Soomaaliya
  • Intaas waxaa dheer, in Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalanta (EU NAVFOR) ay qayb ka qaataan la-socodka dhaq-dhaqaaqyada kaluumaysi ee xeebaha Soomaaliya

Qoraalka oo faahfaahsan fadlan halkan fiiri GO’AANKA GOLAHA 2010/766/CFSP of 7 December 2010 talaabda wada-jirka-ah ee dib loo habaynayo 2008/851/CFSP

Wadamada ka-qay-qaadanaya

Ka-qayb-qaadashada Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalanta (EU NAVFOR) way ka balaadhan wadamada Midawga Yurub xubnaha ka ah. Norway ayay ahayd wadankii ugu horeeyay ee aan ka mid ahayn Midawga Yurub ee hal markab-dagaal

ku kordhiya hawlgalkan sanadkii 2009. Koreeshiya iyo Yukrayn ayaa iyana shaqaale u soo diray Xarunta Dhexe ee Hawlgalada. Intaas waxaa dheer, in la aqbalay yaboohii ahaa in Montineegro iyo Seerbiya ay ka qayb galaan, waxaana la dhamaystiray Heshiiskii Ka-qayb-qaadashada oo u ogalaanya in saraakiil dhinaca bada ah ay ku soo biirayaan.

Qaabka ay looga qayb-qaadanyo:

  • Ka-qayb-qaadasho dhinaha hawl-fulinta ee Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalanta (EU NAVFOR)
    • Doomaha bada (doomaha dagaalka iyo kuwa kaalmada)
    • Kormeerka Bada iyo diyaaradaha wax indha-indheeya
    • Kooxo u qaybsan ilaalinta doomaha
  • In shaqaale ciidan ah lagu soo biiriyo hawlaha Xarunta Dhexe ee Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalanta (EU NAVFOR) eek u taala Rota, ES ama unugyada maraakibta saaraan.

Maalgalinta

Kharashka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalanta (EU NAVFOR) waa ilaa €8.4 oo milyan sanadkii 2010, sanadkii 2011 waxay noqotay €8.5 milyan. Miisaaniyda lagu heshiiyay 2012 ka waa ilaa €8.3 oo milyan. Miisaaniyad dhan €14.9 milyan oo kharashka wadarta ah ayaa loo qoondeeyay xilka la dheereeyay ee ilaa diisambar 2014.

Miisaaniyad waxaa lagu wadaagayaa habka loo yaqaan Hanaanka Athina (Athina Mechanism) kaas oo ka dhexeeya wadamda xubinta ka ah Midawga Yurub, iyadoo la eegayo Wax-soo-saarkooda Qaran (GDP), waxayna daboolaysaa maalgalinta wadarta kharashka, sida kharashaadka Xarunta Dhexe (Rota, ES) xarumaha ciidan ee maraakiibta saran iyo sidoo kale adeega caafimaadka iyo isgaadhsiinta.

Karashka keenida qalabka ciidanka iyo askartaba waxaa wadaagaya wadamada ka qayb-qaadanya iyagoo ku salaynaya baaxada ka qayb-qaadashadooda hawlgalka, dalkastana waxa uu dusha u ridanayaa kharashka waxyaabha ay soo daabushay.

Baaxada ciidanka iyo aaga hawlgalka

Wadarta Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalanta (EU NAVFOR) waa mid si joogta ah isku bedbedala taas oo ay sabab u tahay kala-wareega deg-dega ah ee unugyada taasoo ku xidhan xilyada maansoonka ee Badwaynta Hindiya. Si kastaba ha ahaatee waxay ka kooban thay 4 ilaa 7 markab-dagaal iyo 2 ilaa 3 kormeere badeed iyo diyaarad indha-indhayn. Unugyada hada lagu soo daabulay fadlan ka eeg “Unugyada la daabulay”.

Taas oo ay qayb ka yihiin askarta dhulka, Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee hawlgalka Atalanta (EU NAVFOR) waxay ka kooban yihiin 1,500 oo askari.

Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee Hawlgalka Atalanta waxay ku shaqeeyaan aaga koofunrta Bada Cas, Gacanka Cadmeed iyo dhinaca galbeed ee Badwaynta Hindiya iyadoo lagu darayo Sishils. Aagan waxaa kale oo ka mida Dhul-xeebeedka Soomaaliyeed iyo waliba dhulka iyo gudaha bada.

Aagani waxa uu ka kooban yahay 2,000,000 oo mayl-badeed isku wareega (taas oo ku dhaw 4,000,000 oo Kiloomitir ama 30 oo jeer baaxada Inglandh, 10 jeer oo baaxada Jarmalka, 7 jeer oo baaxada faransiiska ama Isbayn).

Si looga jawaabo baaxada juquraafi taasoo ay budhcad-badeedu ku hawlgalaan iyo isbed-bedelka taatikada budhcad-badeeda, Midawga Yurub waxay balaadhiyeen aaga hawlgalka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee Hawlgalka Atalanta waxayna qaateen talaabooyin lagula tacaalyo budhcad-badeeda.

Dadka iska leh iyo kuwa ka shaqeeya maraakiibta ka gudbaysa gobolka waxaa si aada loogu dhiiri galinayaa in ay diiwaan galiyaan dhaq-dhaqaaqooda iyagoo iska diiwaan galinya Rugta Nabadgalyada Bada ee Bariga Afrika (Maritime Security Centre – Horn of Africa (MSCHOA)) Si loo xoojiyo amaankooda loo yareeyo weerar ama qabsasho. Intaas waxaa dheer, “Hab-Dhaqanka ugu Haboon ee lagu Maareeyo loogana Badbaado Budhcad-badeeda Saldhigeedu yahay Soomaaliya”  iyo warbixinada ku saabsan la dagaalanka budhcad-badeeda iyo wixhii talaabo ii la qaadi karo hadii ay la kulmaan weerar waa la soo dheegan karaa.

Waxyaabaha Qabsoomay

Tan intii la hirgaliyay hawlgalka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee Hawlgalka Atalanta waxa uu:

  • 100% ku guulaystay in uu galbin u fidiyo maraakiibta Barnaamijka Cunada Aduunka oo gargaar aadami ah u waday dadka Soomaaliyeed.
  • Gacan badbaado u fidiyay maraakiibta AMISOM, kuwaas oo lagama maarmaan u ah ka midha dhalinta hawlgalada Midawga Afrika ee Soomaaliya.
  • Xaqiijiyay badbaadinta maraakiibta nugul ee ku sugan Wadiiqooyinka Bada Caalimiga ee Lagula Taliyay iyadoo taakulooyin kalena oo loo fidiyay.

Xidhiidhka dhow ee wada shaqayneed ee lala leeyahay wadamada gobolka sida Jamhuuriyada Sishilis dartiis budhcad-badeeda laga shakiyo ee gacanta ay ku dhigaan Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee Hawlgalka Atalanta waxaa loo gudbiyay maamulo hawsha khibrad u leh  si loo maxkamadeeyo.

Aragtida Guud

Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee Hawlgalka Atalanta waa qayb ka mida hanaanka/Aragtida guud ee Midawga Yurub ee Geeska Afrika.

Ujeeda siyaasadeed ee Midawga Yurub waa in laga hortago lana horjoogsado budhcad-badeedu inay jid-gooyo ku sameeyaan ganacsiga caalamiga ah ee bada laakiin hadana in laga qayb-qaato xal waara oo xiligiisu dheer yahay oo loo helo budhcad-badeeda iyadoo la dhisayo awooda dawladaha gobolka, sida, Soomaaliya ina ay qaadato lahaanshaha la dagaalanka budhcad-badeeda

Si kastaba ha ahaatee, Midawga Yurub wuxuu u shaqeeyaa sidii loo cidhib-tiri lahaa waxyaabaha sababta u ah budhcad-badeednimada iyagoo ka qayb-qaadanaya horumarka dhaqan iyo kan dhaqaale ee Soomaaliya, xoogana waxaa la saarayaa sedex waaxood oo laga wada shaqayn karo: waaxaha Maamulka, Waxbarashada iyo Wax-soo-saarka. Gaar ahaan hurmarinta reer miyiga.

Midawga Yurub isagoo la shaqaynaya Qaybta Tababarada ee Midawga Yurub waxa uu si xoogleh uga shaqeeyaa sidii kor loogu qaadi lahaa amaanka dhulka Soomaaliya iyadoo la xoojinayo tayada/awooda Soomaaliyeed. Qaybtan oo ciidamada Soomaalida ku tababarta Yugandha si ay uga qayb-qaataan xoojinta Dawlada Ku-meelgaadhka ah iyo Mu’asasaadka Soomaaliya

Intaas waxaa dheer, Midawga yurub waxay taageero lacageed iyo mid farsamoba siisaa howlgalka Ciidan ee Midawga Africa ee Soomaaliya (AMISOM). Maalgalinta dheeraadka ee Midawga Yurub (Gunada, daryeelka caafimaadka, hoyga, shidaalka iyo qalabka isgaadhsiinta) waxay taageerada Midawga Yurub ay siiyaan AMISOM ka dhigaysaa wadar €411.4 milyan laga soo bilaabo 2007. AMISOM waxay taageertaa wadahadalada iyo dib-u-heshiisiinta waxayna gacan ka gaystaa ilaada kaabayaasha dhaqaalaha (sida: xafiisyada dawlda iyo Gagada Diyaaradaha ee Muqdisho) si Dawlada Kumeel Gaadka iyo Mu’asasaadkeedu u awoodaan in ay hawshooda gudataan.

Ergada rayidka ah ee cusub ee Kobcinta Awooda Bad-goboleedka Bariga Afrika (EUCAP Nestor) waxay caawin doontaa sidii loo dhisi lahaa awooda bad-goboleed ee Geeska Afrika. Waxay horumarin doontaa awooda waardiyaynta rayidka ah ee xeebaha Soomaaliya waxaanay xoojin doontaa shaqada ilaalada xeebaha ee Jabuuti, Kenya Sishilis iyo Taansaaniya. Waxay dib u adkayn doontaa tamarta dawladahani u leeyihiin la dagaalanka budhcad-badeeda iyo in ay waajahaan caqabadaha kale sida kaluumaysiga sharci darada ah iyo tahriibka.

Midawga Yurub waxay taakulaysaa barnaamijyo kale sida Barnaamijka Nabadgalyada Bada ee Gobolka (Regional Maritime Security Programme (MASE)) taasoo budhcad-badeeda kula tacaasha bariga, Barnaamijka Wadooyinka Bada ee Halista ah, taas oo dib u xoojisa maamulka bada  iyo Barnaamijka loo yaqaan MARSIC oo kor u qaada xog is waydaariga. Midawga Yurub waxa uu wadaa barnaamijyo balaadhan oo la xidhiidha dambi-oogista, maxkamadaynta iyo xabsiga budhcad-badeeda laga shakiyo. Midawga yurub waxay iskala shaqaysaa sidii loo dhamayn lahaa xasaanda sidaas daraadeedna waxay gacan ku siisaa shaqada Barnaamij Qaramada Midoobay ee Horumarinta (UNDP) iyo Xafiiska Qaramda Midoobay ee Mukhaadaraadka iyo Dambiyada (UNODC) si loo abuuro xaalad ku haboon oo maxkamadaha budhcad-badeeda ee Soomaaliya u saamaxaysa cadaalad iyo tayo. Midawga Yurub waxay sidoo kale la saxeexatay heshiis lagu isgugu gudbinayo wadamada gobolka – Sishilis (2009) Morishiyoos (2011) – waxay sidoo kale wada xaajood kula jiraan Taansaaniya. U gudbinta Kenya waa suurta gal iyadoo xaalad walba gaar keeda loo eegayo.

Diisambar 2011, Mr alexander Rondos waxaa loo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Medawga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika si uu iyaga sida ugu fiican isugu dubarido, si loo taageero dadaalada caalamiga iyo kuwa gobolka si loo gaadho nabad waarta, amaan iyo horumar. Horaantiiba, Ergayga Gaarka ah waxaa laga dalbaday inuu diirada saaro Soomaaliya iyo saamynta gobolka ee colaada halkaas ka jirta, sidoo kale Budhcad-badeeda taas oo sababteedu tahay degenaansho la’aanta Soomaaliya.

14kii Noofambar 2011, Midawga Yurub waxa uu qaatay istraatiijiyad uu ugu tala galay Geeska Afrika si u hago hawlaha Midawga Yurub ee gobolka (eeg 16858/11, sida ay uu u qabatimay Golohu 14kii Noofambar 2011)

Taageerada dheeraadka ah ee Soomaaliya (halkan kuma dhana):

Gargaarka horumarka ee Yurub (10naad Sanduuqa horumarinta ee Africa 2008-2013 ee dib loo eegay)

  • €412 Milyan (€212 Milyan Sanduuqa horumarinta + €175 milyan dib-ueegida ka dib + €25 milyan ee Ujeeedooyinka Horumarinta Qarniga (MDGs))

Waaxda Xidhiidhinta

Maamulka €60 milyan + €53 milyan

  • Waxbarashada: €55 milyan + €30 milyan
  • Horumarinta dhaqaalaha €55 milyan + €80 milyan
  • Gargaarka Aadamiga ee laga helay Golaha Yurub ee Soomaaliya laga soo bilaabo 2005
  • €280 milyan laga soo bilaabo 2005.

Wixii faahfaahin ah ee dheeraada fadlan booqo websaytka Midawga Yurub ee Addeegada Dibada ka dibna eeg Istraatiijiyada Isku-dhafka ah ee Soomaaliya ee 2008-2013

Gacan-ku-haynta Siyaasada iyo Jihada istraatiijiyadeed

Gudida Siyaasada iyo Amaanka waxay gacanta ku hayaan arimaha siyaasada iyo jihaynta istraatiijiyada ee hawlgalka milatari ee Midawga Yurub taas oo masuuliyad ahaan hoostagaysa Golaha Midawga Yurub. Taliyaha hawlgaladuna waxaa u si toosa warbixinada ugu gudbiyaa Gudida Siyaasada iyo Amaanka.

Gudida Milatariga ee Midawga Yurub waxay kormeertaa habsami u hirgalinta hawlaha la qabtay ee masuuliyadoodu hoostagto Taliyaha Hawlgalada. Madaxa Gudida Milatariga ee Midawga Yurub waa xubinta aasaasiga ah ee xidhiidhisa taliyaha Hawlgalada ee midawga Yurub.

Qaybta la talinta

Shaqaalaha Milatariga ee Midawga Yurub waa qayb ka mida ah Adeega shaqooyinka Dibada ee Yurub waxayna shaqada dhexdeeda ku bixisaa khibrad ciidan taas oo ay siiso ergooyinka heerka sare ee midawga ee arimaha dibada iyo siyaasda amaanka. Waxayna fulisaa digniinta hordhaca ah; Qorshaynta Istraatiijiyada; iyo odorosida xaalda si loo taageero hawlgalka Atlaanta.

Taliyaha Hawlgalada

Taliyaha Hawlgalada waxaa hawsha ka maamulaa Xarunta Dhexe ee Hawlgalada eek u taala Rota, Boqortooyada Midawday.  Halkaas ayuu hawlaha ka maamulaa isagoo ku xidhan maamulada milatari iyo kuwa siyaasada ee Midawga Yurub.

Taliyaha Ciidanka

Taliyaha Ciidanku waxaa uu hogaamiyaa islamarkaaana maamulaa xoogaga milatari ee aaga isku-dhafka hawlgalada. Waxa uu masuul ka hayahay qorshaynta, habaynta iyo hirgalinta dhaqdhaqaaqyada ciidanka.

Saldhiga Sharci

Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee Hawlgalka Atalanta waxa uu ku salaysan yahay go’aamada Gollaha Midawga Yurub iyadoo la raacayo Qaraarada Golha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo Sharciga Caalamiga.

Fadlan halkan ka eeg websayta Midawga Yurub ee Adeegyada dibada liis dhamaystiran ee go’aamada iyo qaraarada la xidhiidha.