Badmareeno Talyaani ah oo ka tirsan Hawlgalka Atalanta oo la qaatay waqti farxadleh da’yarta dugsiga Jabuuti.

Apr 18, 2016 - 09:52

Badmareeno la socday markab dagal Talyaani ah oo lagu magacaabo ITS Euro oo kala shaqeeynaayay hawlgalka Atalanta xeebta Soomaliya tan iyo dhaammaadkii bishii Marzo. Wuxu waqti u helay in u booqdo dugsi ku yaalla magaallada Jabuuti oo lagu magacaabo Notre-Dame de Boulaos, halkaana wuxu kula kulmay ardaydii dugsigaas.


Dugsigu wuxu ku yaalla badhtaamaaha magaalada, waana meel ammaan u ah caruur badan. Badmareenadii Talyanigu waxay geeyen dugsiga cunto, daawo iyo qalabkii dugsiga lagu dhiganayay, isla markaasna waqti ayay la qaateen caruurtii iyo waliba shaqaalihii dugsiga oo iyaga ay ka go’antahay daryeelka carruurta.


Markii ay ku gudajiren socdaalkii ay ku marayeen gobolka geeska Afrika, badmareenadii hawlgalka Atalanta - iyaguna waxa ay booqdan dugsiyada magaallada iyo xaruunta agoomaha oo ay geeyan qalabka carrurtu ay ku ciyaarto iyo daawo.Intabadan marka ay fiiraaqo leeyihin badmareenadu - ee ay booqdan dugsiyada hay’adaha samafalku ay maamulan waxa ay ku sameeyan dayactir.

Categories