Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ayaa waxay 12 budhcad-badeednimo looga shakiyay ku wareejiyeen dawlada Murishiyoos kadib markii markab ganacsi lagu weeraray dhinaca Soomaaliya.

Feb 13, 2013 - 14:51

Ka gadaal horaantii bisha Jenawari weerarkii lagu qaaday markab ganacsi oo marayay meel u jirta 260 mayl xeebta Soomaaliya ayaa 12 nin oo looga shakiyay in ay fulinayeen fal budhcad-badeednimo waxaa loo gacan galiyay maamulka Murishiyoos iyadoo lagu qaaday markabka dagaalka ee Ciidamada Bada ee Midawga Yurub oo loo yaqaan FS Surcouf si loogu oogo dacwad.


Markii uu weerarku dhacay 5tii bisha Jenawari kabtankii markabka ganacsi waxa uu soo diray telofoon walaacsan oo uu ku sheegay in isaga iyo naakhuudayaashiisu ay la kulmayaan weerar uga imaanya lix nin oo wata doon dheeraysa kuna hubaysan baasukayaal, Nasiibwanaag, ka dib markii uu isticmaalay xeelad waxa uu ku guulaystay in uu iska dhiciyo weerarka.


Ka dib markii la maqlay wicitaankii gurmadka ayaa markabka loo yaqaan USS Halyburton  ee gaashaan buurta NATO oo hoostaga hawlgalka la dagaalanka budhcad badeeda ee loo yaqaan Gaashaanka Badwaynta oo joogay meel ka fog 80 mayl badeed waxa uu diray diyaarad ah nooca qumaatiga u kaca waxayna islamarkiiba ku guulaysatay inay xadido doontii laga shakiyay taas oo hada lagu sii qaaday markabkale oo ay dushiisa saaran yihiin dhawr nin.


Markabka dagaalka ee faransiisku leeyahay oo qayb ka ah hawlgalka la dagaalanka budhcad-badeeda ee loo yaqaan Hawlgalka Atlaanta ayaa si degdega ugu dhaqaaqay goobtii, iyadoo diyaarad Jarmal ah oo ka tirsan Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ay dusha kala socot


ay. Markii la soo gaadhay iyadoo si buuxda ay isaga kaashanayaan markabka gaashaan buurta NATO ayaa kooxda dulbaxda maraakiibta oo ka socday markabka dagaal ee Sucouf ayaa dulbaxay labadii doomood ee laga shakiyay gacantana waxay ku dhigeen 12 nin wadar ahaan.


Markii bada dusheeda lagu qabtay budhcad-badeedii laga shakiyay, Ciidamada Bada ee Midawga Yurub waxay marwalba sidii suurta gal ah raadiyaan in ay arinta ku dhamaystiraan sharciga hortiisa. Hadaba markii laga qayb galiyay masuuliyinta Murishiyoos oo haysta heshiis gacan-galis oo la galeen Midawga Yurub, laba iyo tobankii nin waxaa lagu wareejiyay Murishiyoos si ay u maxkamadeeyaan.


Isagoo ka hadlaya gacan-galinta lagu guulaystay, Taliyaha Hawlgalka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub, Admeral Dhexe Bob Tarrant ayaa waxa uu yidhi “waxaan soo dhawaynayaa warka sheegaya in 12 kii budhcad-badeddnimada looga shakiyay maanta loo gacan-galiyay Murishiyoos si loo maxkamadeeyo. Murishiyoos waa lamaane fure u ah la dagaalanka budhcad-badeeda ee gobolka. Maantana waxaan fariin cad u dirnay budhcad-badeeda anagoo u sheegnay in Ciidamada Bada ee Midawga Yurub iyo Murishiyoos ay ka go’antahay inay ku oogaan dacwad sharci ah kuwa lagu eedeeyo inay weerareen maraakiibta bada


Hawlgalka Atlaanta waxa uu bilaabmay desember 2008 waxaanay diirada saartaa caabinta iyo muquuninta budhcad badeeda falalka budhcad-badeednimo iyo tuugada hubaysan ee xeebta soomaaliya. Midawga Yurub waxa kale oo ay gacan badbaado siiyaan maraakiibta Hay’ada Cunada Aduunyada (WFP) iyo Hawlgalka Midawga Africa (AMISOM) iyo waliba badbaadinta maraakiibta nugul iyagoo u fiiranaya xaalad waba kaarkeeda. Waxa kale oo ay dabagal ku samyeeyaan falalka kaluumaysi.

Categories