CIIDAMADA BADA EE MIDAWGA YURUB IYO NATO WAXAY MARKALE SII XOOJINAYAAN BALANTOODII AHAYD INAY KA WADA SHAQEEYAAN LA DAGAALANKA BUDHCAD-BADEEDA

Mar 19, 2013 - 10:20
Admeral Dhexe García de Paredes and Admiral Dhexe Natale.

24 kii Febraayo 2013 isagoo ku guda jira roondayntiisa Wadiiqada Caalamiga ah ee loo Asteeyay in la Isaga Goosho ayaa Taliyaha Ciidamada Bada ee Midawga Yurub, Admeral Dhexe Pedro García de Paredes, waxa uu la kulmay Taliyaha Ciidamada NATO ee La Dagaalanka Budhcad-Badeeda Hawlgalka Gaashaanka Bada (Operation Ocean Shield) Admeral Dhexe Antonio Natale.

Kulanka labada masuul waxa uu ahaa fursad lagu gorfeeyay laguna xoojiyay wada-shaqaynta heerka sare ah ee ka dhexaysa labada ciidan ee la dagaalamaya budhacad-badeeda bada Soomaaliya. Labadooduba, Admeral Dhexe Pedro García de Paredes iyo Admeral Dhexe Antonio Natale waxay adkeeyeen muhiimada ay leedahay xog is-dhaafsi iyo is-kaashi dhexmara Ciidamada Bada ee Midawga Yurub iyo NATO

Isaga oo ka hadlayay kulankan oo ka dhacay markabka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee ESPS Méndez Núnez ayaa Admeral Dhexe García de Paredes waxa uu yidhi “Ciidamada Bada ee Midawga Yurub iyo NATO labaduba waxay fahamsan yihiin inaan u baahanahay sii xoojinta cadaadiska lagu hayo budhcad-badeeda ka dhaq-dhaqaaqa bada Soomaaliya. Qabashadii labada kooxood ee kala duwan ee budhcad-badeed ah ee xeebta Soomaalida lagu qabtay waxay si cad u muujinaysaa in budhcad-badeedu ay wali fir-fircoon yihiin. Sababtaas darteed, ciidamada la dagaalanka budhcad-badeeda iyo bad-maaxayaasha maraya Aaga Halista ah ma yarayn karaan ilaaladooda. Dhayalsi meel uma banaana”.

Ciwaan Yare: Admeral Dhexe Pedro García de Paredes, Admeral Dhexe Natale iyo Taliyaha ESPS Méndez Núñez

Categories