Ciidamada Bada ee Midawga Yurub iyo Shinaha waxay ka Wada Shaqeeyaan Sidii Budhcad-Badeeda looga badbaadin Lahaa Kaalamada uu sido Markabka Barnaamika Cuntada Aduunyada

Jul 10, 2013 - 16:24

Maalintii Sabtida ee 22 June ayaa xili galab ah waxaa badda dhinaca Gacanka Cadmeed ku kulmay markabka dagaalka ee Talyaaniga ITS Zeffiro iyo ka Ciidamada Bada Shiinaha PLANS Mianyang, labadan markab waxay ku hawlan yihiin la dagaalanka budhcad-badeeda.


Ujeedada kulanku waxa uu ahaa in markabka PLANS Mianyang uu kala wareego hawsha Barnaamijka Cuntada Aduunyada markabka kale ee ITS Zeffiro. Markabka dagaalka ee Talyaanigu waxa uu ilaalinayay markabka WFPda ilaa markii uu soo galay aaga halista ah ee budhcad-badeedu ku badan tahay ee Galbeedka Badwaynta Hindiya dhawr maalmood ka hor.


Meel lagu heshiiyay ayuu markabka PLANS Mianyang hawsha kula wareegay si uu ugu sii raaco dhinaca Jabuuti isaga oo sii maraya Gacanka Cadmeed. Markabka WFPda waxaa lagu wadaa inuu dekeda Afrika Bari gaadho subaxda barri. Markii ay sii kala tagayeen taliyayaashii labada markab way isasii nabadgalyeeyeen iyagoo isku rajeeyay ammaan xiligan maansoonka Koonfur Galbeed.


Isaga oo ka hadlayay iskaashiga ka dhaxeeya Midawga Yurub iyo Ciidamada Badda ee Shiinaha ayaa Taliyaha Ciidamada Badda ee Midawga Yurub Admeral Dhexe Bob Tarrant waxa uu yidhi “ka wada shaqaynta raacitaanka markabka WFP uu raacay markabka Ciidamada Badda ee Shiinaha waxay cadayn u tahay sida ay u sarayso wada shaqaynta ciidamada la dagaalanka budhcad-badeeda ee badda dhexdeeda. Waxaan rajaynayaa in wada shaqaynta mustaqbalku noqoto mid ka balaadhan ilaalinta markabka WFPda”


Ciidamada Bada ee Midawga Yurub iyo kuwa Shiinuhu waxa ay sanadkan aakhirkiisa wada qaban doonaa dhoolatus

Categories