Ciidamada Bada ee Midawga Yurub waxay hubiyaan in aanay jirn meel ay ku dhuuntaan budhcad-badeeda laga shakiyo

Apr 16, 2013 - 11:15
Iyagoo todobaad ka hor uun ku soo biiray Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ayaa naakhuudayaasha Iswidhan ee Roondeeya Badwaynta ee markabka loo yaqaan HSwMS Carlskrona waxay ku mashquulsanaayeen roondooyin ay kaga hortagayeen budhcad-badeeda.

Hadaba iyagoo ku guda jira mid ka mida roondooyinkooda ayaa helikobtar markabku leeyahay waxay aragtay doon ka soo shiraacatay xeebta Soomaaliya.

Sawiro ay ka soo qaaday raga saaran, qalabkla ay wateen iyo goobtii ay doontu joogtayba waxay u godbisay kooxda hawlgalada ee markabka Carlskrona isla markaana helikobtarku waxay si dhaw dusha ugala socotay doonta si ay u fiiriso in ay ku sii fogaato bada

Mudo ka dib markii ay ogaadeen in helikobtarku kormeerayso doontu waxay dib ugu sabaysay dhinaca bada Soomaaliya.  Markii ay barriga gaadheen waxaa loo jeeday iyaga oo qalabkoodii ka dajinaya doonta. Dib ayayna u laabteen. Wax kaluumaysiaya laguma arkayn doonta dusheeda iyo xeebtaba.

HSwMS Carlskrona waxay sii waday roondadeedii gudaha fog ee bada, iyadoo diyaarada wax roondaysa ee jarmalka ee ka tirsan Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ay gacan ka gaysatay baadhitaanka dhinaca xeebta.

Isaga oo ka hadlayay hawlgalkan ayaa Taliye Mathias Jansson oo ah taliyaha HSwMS Carlskrona waxa uu yidhi “Culayska ugu wayn ee naga haysta badan balaadhan waa sidii aan u joogi lahayn goobta saxda ah waqtiga ku haboon si aan u qabano budhcad-badeeda laga shakiyo iyo doomohooda. Waxaan si dhaw ula shaqaynaynaa markabka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ee NRP Alvares Cabral kaas oo xaqiijinaya sidii loo isticmaali lahaa qalabka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub si loo kormeero meelaha loo arko in khatarta budhcad-badeeda ka imanaysaa ay sarayso. Waxaan sii ahaanaynaa kuwo foojigan.

Categories