Ciidamada Badda ee EU Waxay Taageero siinayaan Koorsada Tababar ee ay Hogaaminayaan EUCAP Nestor ee loogu talogalay Ciidanka Ilaalada Xeebaga Soomaaliya Booliiska Dekeddaha ee ku sugan Djibouti gudaheeda.

Oct 15, 2014 - 15:33

Maalintii Arbacadii ee 8 Oktoobar xubno ka tirsan Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo Ciidanka Booliiska Dekedaha ee ka qaybqaadanayey koorsadii tababar ee ay EUCAP Nestor ka bixinayeen Djibouti gudaheeda, ayaa waxay fursad u heleen inay booqdaan labo markab-dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee EU, FGS Lübeck iyo FGS Berlin.


Tababar-qaatayaasha ka socday Soomaaliya waxaa loo qaybiyey labo kooxood, waxayna labada markab dushooda kaga qaybqaateen cashar warbixin ah oo ku saabsan awoodahooda.  Casharadaas warbixinta ah waxaa dabasocdey ku soo warwareegid maraakiibta dushooda iyo xiisad su’aalo iyo jawaabo ah, halkaas oo ay tababar ka qaybqaatayaashu ku weydiin karayeen shaqaalaha maraakiibta ee khibrada leh waxyaalao ku saabsan shaqo maalmeedkooda.


Tababar-qaatayaashu aad ayay u xiisaynayeen waxayna weydiiyeen su’aalo badan, gaar ahaan su’aalo ku saabsan awoodaha FGS Berlin ee Dib-u-saad qaadashada Badda gudaheeda (RAS) iyo hawlgalada guud ee uu sameeyey FGS Lübeck xiligii uu hawlgalada samaynayey isagoo qayb ka ah Ciidamada Badda ee  EU.


Kooxdu waxay ka qaybqaadanayaan Koorso Aasaasi ah oo Tababar Ilaalo Xeebeed oo EUCAP Nestor ka bixinayso Djibouti gudaheeda.  Koorsooyinka noocaan ah waxaa si joogto ah EUCAP Nestor ugu siisaa ka qaybqaatayaal heerar kala duwan ah, oo isigu jira shaqaale cusub iyo saraakiil sarsare. Koorso ilaalin dekedeed oo lix sarkaal oo ka socda dekadda Muqdisho ayaa hadda soo socda kaas oo lala kaashanayo Maamulka Dekadda iyo Ciidanka Badda ee Djibouti.


EUCAP Nestor waa hawl dadweyne, oo hoostimaada Amaan Wadaaga iyo Sharciga Difaaca ee Midowga Yurub, ee ka caawiya waddamada Geeska Afrika iyo Wadamada Galbeedka Badweynta Hindiya (Soomaaliya, Djibouti, Seychelles, Tanzania) inay kor u qaadaan awooddooda si ay u hubiyaan amaanka badda iyo inay gaar ahaan la dagaalmaan budhcad-badeednimada


Ciidamada Badda ee EU ee Soomaaliya waa Hawlgalka Atalanta ee EU ee ladagaalanka budhcad-badeednimada. Hawlgalka Atalanta baajiyaa, ka hortagaa oo cadaadis saaraa falalka budhcad-baddeednimada iyo dhaca hubaysan ee xeebaha Soomaaliya.  Maraakiibta Ciidamada Badda ee EU waxay ilaaliyaan maraakiita World Food Programme ee caawimada u sida Soomaaliya iyo maraakiibta AMISOM.  Maraakiibta Ciidamada Badda ee EU waxay sidoo kale ka qaybqaataan la socodka hawlaha ka kaluumaysiga Xeebaha Soomaaliya.

Categories