Ciidanka badda ee Midowga Yurub ayaa soo dhaweeynaya 2016ka markii 3aad ee xukun lagu rido burcad badeed hubaysan oo lo haysto falal argagixiso oo ay u geysten badmareenada ka gooshaya xeebaha Soomaaliya.

Jul 18, 2016 - 14:54
Ciidanka badda ee Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedka ayaa soo dhaweeyay xukunka lagu riday maanta galinkii hore 12 nin; ka dib markii maxkamad ku tallla dalka Mauritius ay ku heshay falal ah oo loo geystay markabka MSC Jasmine 5tii bishi Janayo 2013 ka.

Kadib marikii xeer ilaaliyaha Jamhurida Mauriitius u ku guulaystay dembi ku helid falal burcad badeednimo. Kuna gacan saydhay go’aankii maxkamada hore ee bishi Nov2014 ee qeexayay in wax dembi ah anay ka galin markabkii Cypriota aha ee Konfurta Badweynta Hindiya.

Waa markii u horaysay ee burcad badeed lagu soo taago maxkamad dalka Mauritius. Kadib markii lagu heshiiyay in dadka agu tuhunsanyahay burcad badeedka xeebta Soomaliya in lo soo gudbiyo Jasiiradatan si logu maxkamadeeyo.Taso ay si wada jir ah u ka la sexeexden Midowga Yurub iyo dalka Mauritius.

Maalintii la soo weeraray gudoomiyihii markabka MSC Jasmine ayaa diray dhanbal gurmad deg deg ah oo sheegeya in markabkisii ay soo weeraren niman dhowr ah oo hubaysan gantaal bam ah ku riday markabka. Kooxdii u qaabilsanayd ammaanka ee markabka saarnayd ayaa awood u helay in ay iska celiyaan weerarka.

Markii u dhambaalkii gaadhay marakiibta dagaalka ee ka hortagga burcad badeedka ee NATO (USS Haylburton) iyo kuwa Ciidanka badda ee Midowga Yurub, iyo waliba diyaarada kormeerta badda ee Ciidanka Jarmaalka ee EUda ayaa si deg deg ah u xidhay eryadii. Isla markii ay soo gaadhen goobta waxay fuulen labadii markab ee la tuhunsana. Waxanay ka soo qabten 12 nin oo kadib ay u gudbiyen dadkaasi la tuhunsanyahay Jamhuriyada Mauritius si logu maxkamadeeyo.

Midowga Yurub wuxu heshiis la galay Jamhuriyada Seychelles si lo soo gudbiyo dadka lagu tuhunsanyahay burcad badeedka. Bishi hore maxkamad ku taalla dalka Seychelles waxay 7nin ku soo oogtay dembiga weerarkii lo geystay markabkii saliida siday ee Marshall Islands MV Atropos ee laga leexiyay Gacanka Cadmeed bishi Janayo 2014.

Labadan kiis waxay ku daba xigen markii bishi April lagu guuleystay in xukun lagu rido 6 nin oo Soomali ah oo ay maxkamada dalka Faransiiska  ku xukuntay 6 ila 15 sano. Markii lagu helay dembiga weerarka markab dalxiiska Tribal Kat iyo dilkii kabtanka Faransiiska ee markabkaas bishi September 2011kii.  Kadib markii ay soo dhexgalen arinkan marakiibta dagaalka ee Ciidanka badda ee EUda waxaa nimankaas loo gudbiyay maxkamad ku taalla dalka Faransiiska.

Taliyaha Hawlgalka Ciidanka badda ee Midowga Yurub Major General Rob Margowan CBE wuxu yidhi: “waxan aad u soo dhaweeynaya xukunka ka soo yeedhay maxkamada Mauritius manta iskaashiga muhiimka ah ee Ciidanka badda ee Midowga Yurub uu suurageliyay in la gaadho naatijo guul leh. Xukunka maxkamadeed waxay farin u diraysa burcad badeeda u soo baxaya badda si ay u weeraran maraakiibta. Maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub kama waabanayan inay soo helan oo ay soo qabtaan, kadibna ay u gudbiyan burcad badeeda meel lagu maxkamadeeyo. Midowga Yurub iyo saxiibadooda beesha caalamka ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa ay ka go’antahay inay tirtiraan burcad badeeda si ay badmareenada iyo maraakibtu nabadgeliyo uga gooshan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya”.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mauritius Mr Satyajit Boolell SC aya sheegay: “Waxan kaalin horleh ka galnay dadaalka gobolku ugu jiro la dagaalanka burcad badeeda anagoo xubin ka ah beesha caalamka. Waxan ku dadaalayna in xukun cadaalad ku salaysan lagu rido burcad badeeda Waxaanan u sameeynay abuukaateyal u hadla inti la maxkamadeynayay. Waa guul u soo hooyatey beesha caalamka iyo ku dhaqanka sharciga”.

Categories