Eedaysanayaal Budhcad-badeed ah oo ay Qabteen Markab Calankiisu yahay ka Ciidamada Badda ee EU (Midowga Yurub) ayaa loo Gudbiyey Seychelles

Feb 12, 2014 - 08:58

Tariikhdu markii ay ahayd 29 Janaayo 2014, iskaashiga caalamiga ah ee la dagaalanka budhcad-badeednimada ayaa keenay gudbinta shan nin oo ay gudbiyeen Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EU NAVFOR) ee Hawlgalka Soomaaliya markabka calankiisu yahay Atalanta, FS Siroco, ayna ku wareejiyeen Jamhuuriyadda Seychelles, wareejintaas oo ujeedadeedu ahayd in lagu qaado dacwad ah fal-dembi oo budhcad-badeednimo.


Taariikdu markii ay ahayd Sabtidii 18 Janaayo, ayaa FS Siroco, oo wadashaqayn la samaynaya shaqaale Jabaan ah oo taakulaynayay Midowga Ciidamadda Badda (CMF/CTF 151), waxay soo daayeen shaqaalihii markabka Hindiga ahaa ee la aaminsanaa inay shanta eedaysane ee budhcad-badeedda u isticmaaleen markabka- hooyada u ahaa weerarkii maalin ka hor ay ku qaadeen markab shidaal xambaare ah oo marayey Gacanka Cadmeed.


Shaqaalaha Ciidamada Badda ee Midowga Yurub waxay awoodeen inay soo ururiyaan xaddi cadaymo ah oo badan, maadaama ay tahay higsiga Midowga Yurub inay arrimuhu ku dhamaadaan si sharci ah markii ay suurtogal tahay. Iyadoo taas lagu salanayo, Jamhuuriadda Seychelles waxay aqbashay in loo soo gudbiyao eedaysanayaasha budhcad-baddeednimo si dacwad loogu qaado.


 Midowga yurub oo ay ku jirto EU NAVFOR, waxay wadashaqayn guul leh oo ku wajahan la dagaalanka budhcad-badeedda la sameeyeen Jamhuuriyadda Seychelles. Heshiiskii ahaa inay la wareegaan eedaysanaasha oo la saxeexay Diseembar 2009 ayaa ilaa hadda saamaxay in 47 eedaysane (oo ay ku jiraan shanta maanta) la gudbiyo. Iyadoo hadda 33 budhcad-baddeed la xukumay, Seychelles waxay door hoggaan ah ka ciyaartay in lagu guulaysto dhamaadka arrimah la dagaalanka budhcad-badeedda gobolka oo si sharci ah ku dhamaada.


Maciej Popowski, oo ah Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Adeegga Hawlgalka Dibadda ee Yurub, iyo gudoomiyaha hadda ee Kooxda Xidhiidhka Caalamiga ee Budhcad-badeeda Xeeabaha Soomaaliya (CGPCS), ayaa yidhi: “Waxaanu Dawladda Seychelles uga mahadcelinaynaa wadashaqayntooda joogtada ah ee muujinaysa tayada cilaaqaadkayaga iyo doorkooda waxqabadka leh ee ku wajahan ladagaalanka budhcad-badeedda Badweynta Hindiya.”


Taliyaha Ciidanka Midowga Yurub NAVFOR, Rear Admiral Hervé Bléjean, ayaa yidhi: “waxaan jecalahay inaan dareenkayga ugu qoto dheer u muujiyo H.E. Mr. James Alix Michel, madaxweynaha Jamhuuriyadda Seychelles, taas oo la xidhiidha, inuu noo ogolaaday in aanu gudbino eedaysanayaasha budhcad-badeednimo. Si guud ahaaneed waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan mahadnaqayga u gudbiyo Dawladda Seychelles’ iyo maamulkeeda sharciyada oo aan uga mahadiyo ka qaybqaadashadoodii guud ahaanba hanaankii hawleed. Ugu dambayntii, waxaan jeclaan lahaa inaan qadarintayda ugu weyn u muujiyo H.E. Danjire Geneviève Iancu, Danjiraha Faransiiska, ahna wakiilka hadda ee Seychelles u jooga Madaxtinimada Midowga Yurub, talaabadeedii wax-ku-oolka ahayd ee lagu gaadhey ku guulaysiga dhammaadkan sharciyeed. Hawlgalka Atalanta ee ah in si wax-ku-ool ah looga hortago budhcad-badeednimada si buuxda looguma guulaysan lahayn haddii aanay jirin awooda ah in dacwad lagu qaado dadka ku lug leh budhcad-badeednimada. Waxaan sidoo kale ku boorinayaa ganacsiga badda, inay iyaga oo ah kuwo iyagu wax ka qabanaya amaankooda inta ay badda ku sugan yihiin, ay sii wadaan ku dhaqanka hanaannada ugu maarayn wanaagsan ee heerka ku munaasibka ah.”


Midowga Yurub wuxuu 2014ka guddoomiye ka yahay Kooxda Xidhiidhka ee ku wajahan Budhcad badeednimada Xeebaha Soomaaliya (CGPCS). Midowga Yurub iyo dhammaan CGPCS waxay diyaar u yihiin inay hawlgeliyaan taageero caalami ah oo hal mar lagu cidhibtirayo budhcad-badeednimada Soomaaliya, taas oo aan ahayn keliya in wax laga qabto astaamaha badda gudaheeda ah laakiin in sidoo kale wax looga qabto waxyaalaha asalka ah ee beriga ka jira ee keenaya budhcad-badeednimada.


Ciidanka Badda ee Midowga Yurub waxay ka hortagaan, joojiyaan oo cadaadis saaraan fal-dembiyada budhcad-badeednimada ah iyo dhaca ay geystaan dad hubaysan oo ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Maraakiibta Ciidanka Badda ee Midowga Yurub waxay ilaaliyaan markabyada xamuulka ee Barnaamijka Cuntada Aduunka (World Food Programme) ee caawimooyinka u wada Soomaaliya iyo maraakiibta u raran ciidamada AMISOM. Maraakiibta Ciidanka Badda ee Midowga Yurub waxay sidoo kale ka qaybqaataan la socodka hawlaha kalluumaysi ee Xeebaha Soomaaliya.

Categories