Ergada ka socota Midowga yurub ee EUCAP Nestor iyo Ciidamada qalabka sida ee EUNAVFOR waxa ay kusoo dhawaynaayaan guddida ka socota Somaliland markabka loogu magac daray Siroco.

Dec 16, 2013 - 15:59
Taariikhda manta oo ku began 15th December 2013 ayaabay ciidamada qalabka sida ee badaha EUNAVFOR ayaa ku qaabilay duleedka markabka frenchiga ee lugu magacaabo Siroco guddi ka socota Somaliland taas oo ujeedaduna aheed kulan wada hadal uu ka qayb qaadanayay madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici. Guddidii ka qayb qaatay kulaanka ayaa la yeelatay wada hadallo hogaamiyaha Ergada ka socota midowga yurub ee doorkoogu yahay sugidda iyo sii xoojinta amaanka badda ee lugu magac daray EUCAP Nestor, mudane Etienne de Poncins iyo dhigiisa cusub ee hogaamiya ciidamada qalabka sida ee badaha Admiral Hervé Bléjean.

Dhacdadaa oo laga fuliyey xeebta kutaal Barbara ayaa u ahayd fursad lugu qayaxo ujeedooyinka muhiimka ah ay u soocdaan eergooyinka yurub ee gaarka u ah Geeska Africa iyo sida fiican ay isku taageersan doonaan xukuumadaha iyo hay adaha geeska Africa iyo ugu dambeeyn qorshaha u yaal sidii loo xoojini laha amniga iyo awooda wadannada geeska Africa.

Iyada oo la tiixgalinayo habka looga hawlgali doono geeska Africa, waxa ay ergadu u aragtaa kulan kani tallaabo horay loo qaaday oo ku salaysan wada hawlgalka ka dhexeeya EUCAP Nestor, Atalanta iyo Somaliland. Si gaar ah ayaa bay Somaliland uga ciyaartaa doorka la dagaalanka budhcad badeedka geeskan Africa taas oo awooda saaraysa dhamaan habkii looga hortagi lahaa Budhcadda, waxaana Somaliland ay tahay tusaale fiican khaas ahaan sii xoojinta amniga badda geeskan Africa. Kulan kan ayaa lugu soo baandhigay qorshaha mustaqbalka iyo barnaamij yada u gaarka ah EUCAP Nestor kaas oo lala jaan qaadi doono masuuliinta ka qayb qaatay kulanka.

“Waxaa u ah sharaf lakoobi Karin EUCAP Nestor iyo Ciidamada yurub ee qalabka sida EUNAVFOR in ay ku qaabilaan markabka dushii guddida ka socota Somaliland “ayaa buu ku dhawaaqay mudane De Poncins. “Waano, Koormeer iyo Tababar iyo waliba u gudbin adeeg halka qalabka ayaa bay tahay ujeedada ka hawlgalka gobolada geeska Africa ee EUCAP Nestor. Waxaa kusii socday “ Imaad kayaga dambe ee Hargeisa ayaa inoo fudaydini doona hirgalidda hawlaha yaga annagoo taas la taageer sanayna xukuumadah gobollada sidaa awgeed waxaan soo bandhigi doona tababaryo iyo wacyi galin. Ugu dambeeyn waxaa farxad noo ah inaan garabka hello xukuumadda Somaliland taas oon ka fulin kari doono barnaamijyada noo yaal. Inagoo garabka is haysanna ayaan si fiican u wada fulin doona baahida geesku uu tamanayo”.

Waqtigan xaadirka ah dhamaan barnaamijyada EUCAP Nestor ee khaaska u ah Somaliland waxaa hirgaliya shaqaale saldhigiisu yahay Nairobi lagana maamulo Djibouti. Waxaa u qorshaysan ergada EUCAP Nestor inay ku yeeshaan xafiis Somaliland taas oo fudaydini doonta adeega loo gudbinayo Somaliland.

Bishii November waxaa laga hirgaliyay Somaliland tababar ku saabsan baadhitaanka dambiyada badda oo loo gudbiyey booliska xeebaha taas oo lugu qabtay duleedka markabka ciidamada qalabka sida ee badda loo magacaabo EUNAVFOR. Waqtiga nugu soo eedan, EUCAP Nestor waxa lahawlgali doona boolis, xeer yaqaano si isdabajoog ah u gali doona shaqada una fulin doona barnaamijyada tababarka ee loo gudbini doono Somaliland. Maado ku salaysan cilmiga badaha oo lala tiigsanayo jaamacadda caalamiga ah ee badaha ayaa loo qorsheeyey sanadda nugu so eedan.

Isago ka hadlaya kulankan, Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa dhahay: “waxaan soo dhawaynaayaa oon hambalyay nayaa taageeradan iyo adeegan hufan ey inoso gudbinayso EUCAP Nestor khaas ahaan amaanka badahayaga. Somaliland waxa ay u xamaan qaadatay in ay si qayaxan uuga qayb qaadato dhankeega dadaalkan weyn eek a hortagga iyo la dagaalanka budhcad badeeda waxa ayna sidoo kale si hagar bax leh uu istacmaalaysaa aboodeeda oo dhan inkastoo taasi ay aad u koobantahay ayna u baahantahay in gacan la siiyo, waxa aanan ka codsanaynaa EUCAP Nestor in ay ku dadaalaan in ay noo soo gudbiyaan qalab aanu uu adeegsani karro ladagaalankan iyo ka hortaggan aynu u xamaan qaadannay ee Budhcad Badeeda”.

EUCAP Nestor ayaa ah ergo rayid ah oo ka socota midawga yurub ujeedaduna ey tahay in loo adeego gobolada geeska Africa iyo badweynta hindiya is loo horumariyo loona xoojiyo amaanka xeebaha. Waxa ay ergadu ujeedaa oo kale inay tababaryo sugan uu jeediyaan ilaalda ama booliska xeebahaiyo xeer goobjooga yaasha geeskan Africa.

Ergadani kale ee kumagac dheer EUNAVFOR oo iyaguna ah ciidamada qalabka sida ee badaha ayaa si joogta ah oola dagaalami doonta budhcad badeedka iyo dhacdooyinka xun ee lugu yaqaan baddani geeska Africa. Waxa sidoo kale ay sugayaan amaanka maraakiibtan u gaarka hay ada qaramada midoowey ee WFP iyo kuwa AMISOM oo ugudbinaya caawimaad Somalia. Ugu dambayn ergadan EUNAVFOR ayaa xasilini doonta nidaam cusub oo salaysan habka wanaagsan ee looga kaluumaysani karo badaha geeska Africa.

Dhamaad.

 

Categories