EU NAVAL FORCE FLAGSHIP ESPS MÉNDEZ NÚNEZ REMAINS EVER VIGILANT IN GULF OF ADEN

Mar 19, 2013 - 10:17
Markabka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub ESPS Méndez Núnez iyo doonta sidatay magaca Al-Hasan

Full text: 27kii Febraayo iyadoo lagu guda jiro roondaynta Wadiiqada Caalamiga ah ee loo Asteeyay in la Isaga Goosho ayaa Markabka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub (EU NAVFOR) ee Hawlgalka Atlaanta ee Soomaaliya waxa uu dulbaxay doon isha lagu hayay.

Kadib markii baadhitaan lagu sameeyay doontan Al-Hasan waxaa lagu daray liiska doomaha lala xidhiidhiyay weeraro budhcad-badeednimo oo lagu qaaday maraakiibta ganacsi ee MV Agistri iyo MV Torm Kristina Gacanka Cumaan dhexdiisa bishii Diisaabar ee hore.

26kii Febraayo ayaa markabka NATO ee la dagaalanka budhcad-badeeda USS Nicholas ayaa raadraacay doonta Al-Hasan iyadoo kolkaas ka shiraacatay dekeda Boosaaso waqooyiga Soomaaliya. Markabka ESPS Méndez Núnez ayaa sii waday dabagalka doonta ilaa goor hore oo subaxdii ah. Deedna markabku waxa uu diray kooxdiisa dulbaxayaasha ah si ay u baadhaan doonta wadatay calanka Soomaaliya. Markii ay dulbexeen, ayuu kabtankii watay doontu u sheegay taliyihii hogaaminayay kooxda dulbaxayaasha ah in ay qafaasheen koox todoba nin ah oo budhcad badeed ah inyar ka dib markii ay ka shiraacdeen dekeda Boosaaso sanadkii hore. Budhcad-badeedu waxay raaceen doon iyo mid uu dusha ka saran yahay mishiin xoog badan, ka hor intii aanay ku qasbin naakhuudayaasha inay u shiraacdaan dhinaca Gacanka Cadmeed. Halkaas markay gaadheen, budhcad-badeedu waxay doonta u isticmaaleen weeraro aan guulaysan oo ay ku qaadeen labada markab ee MV Agistri and MV Torm Kristina, kadibna way iskaga tageen doontii.

Isaga oo ka hadlayay dulbixii iyo xogtii uu soo ururiyay markabku ayaa Taliyaha Ciidamada Bada ee Midawga Yurub, Admeral Dhexe García de Paredes, waxa uu yidhi “Natiijadii ka soo baxday baadhitaankii lagu sameeyay dusha doonta AL-Hasan ee uu sameeyay markabka ESPS Méndez Núnez waxa ay si cad u muujinaysaa in budhcad-badeedu ay isku dayayso inay sii wadaan fal-dambiyeedkooda bada. Waxaan jecelahay inaan uga digo dhamaan bad-maaxayaasha maraya Aaga Halista ah in aanay iska dajin karin ilaaladooda maadama oo ay budhcad-badeedu wali fir-fircoontahay oo ay eeganayso markaakiibta aagan joogta. Markabka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub iyo diyaaraduba waxay si aada uga shaqaynayaan iyagoo kaashanayana dhamaan ciidamada kale ee la dagaalanka budhcad-badeeda ee aaga jooga si ay bada Soomaaliya uga dhigaan mid amaan ah.

Categories