EU NAVFOR Spanish flagship ESPS Galicia waxay caawimaad siiyeen markab shidaal sida, oo ay weerareen burcadeed hubaysan xeebta somaliya ee dhinaca bari

Apr 25, 2017 - 11:18
Maalintii sabtida ahayd ee waqtigii qorax dhaca ahayd ayaa European Union counter-piracy oo ilaalinayey xeebta somaliya dhinaca bari,EU NAVFOR`s markabka calanka isbeyn, ESPS Galicia,waxay taleefan degdeg ah(SOS) ka heleen kabtanka markabka Costina .

oo uu leeyahay rag burcadeed ah oo hubaysan ayaa weerar nagu haya waxayna wataan doon dheeraysa.

ESPS Galicia oo u jirtay 14miles markii taleefonka degdega ayheleen islamarkiiba waxay u direen helikobter (SH-3D Sea king),markabka ESPS Galicia wuxuu si dhaqso ahna u aaday dhinacii markabkii lasoo weeraray (Costina).

Burcad badeedii weerarka waday markii ay ogaadeen markab ciidanka dagaalka ee yurub (EU NAVFOR) oo ku soo socda ayay carareen.

helikobtarkii ESPS Galicia markii ay meeshii tagta  isla markiiba bilowda raadin ama baaritaan ,markii ay ogaadeen in burcadbadeedii ay carartay ayaa ciidamada kumandooska ah ee ESPS Galicia ayaa waxay fuuleen markabkii ay burcad badeedu weerartay,waxayna sugeen in kabtankii iyo shaqaalihiisiina nabad qabaan.

Ciidanku markii ay baareen makabka (Costina) waxay arkeen meelo ay daldaloolisay xabadihii ay burcad badeedu ku rideen,markii ay ogaadeen  in wax dhibaato ah aynan jirin markaas ka bacdi markabkii (Costina) ayay safar koodii horay u sii wateen waxayna aadeen meeshii ay u socdeen.

War ku saabsan weerarkii ugu danbeeyay ee bucad badeeda,

War hayeenka u hadla EU NAVFOR, Commander Sherrif ayaa waxay tilmaantay in loo baahan yahay foojignaan lana iska ilaaliyo burcad badeeda.

Categories