Hawlgalka Atalanta oo si foojigan u ilaalinaya markabka hay’ada cuntada ee qaramada midowbay ee FAO ee loo yaqaan “Fish Beacons” ee jooga xeebta Soomaliya

Mar 23, 2016 - 09:50

Dhammadkii sannadkii 2015 ta markabka hay’ada cuntada ee qaramada midowbay ee FAO MV Kestrel, ayuu markabka Hawlgalka Atalanta ka difaacay weerarada burcad badeedka. Markabkaasi MV Kestrel wuxuu ku guda jiray inuu dhigo xeebta Soomaliya 25 agabkii soo jiidanaayay kallunka.


Nidamkan FAD wuxuu ka kaalmeynaya Soomalida una fududeynaya soo qabashada kallunka; kasoo uu xagga xeebta u soo riixayo. Arrintaasina waxay kor u qaadaysa wax soo saarka kallumaysata Soomaliya.


Intii lagu guda jiray hawshaasii markabka Hawlgalka Atalanta ITS Carabiniere wuxuu halkaasi ka dhowr jeer dhoqday si uu u fiiriyo shaqaadii halkaasi laga waday ee ahayd dhigida agabka soo jiidanaya kallunka iyo waliba kallumaysigii goobta ka socday.


Bishii Febrayo ITS Carabiniere waxaa la gudoonsiyay billad sharaf ay siisay hay’ada Unta ee FAO dadaalkii ay ka geysten ilaalada iyo difaaca markabka MV Kestrel awged.


Taliya saree ee ciidanka Hawlgalka Atalanta Admiral Stefano Barbieri wuxuu yidhi “waxaa sharaf no ah in aan ka qaybqaadano hawshatan oo aan la shaqayno saraakiisha UN FAO iyo madaxda Soomaliyed si kor loogu qaado wax soo saarka bulshada ku dhaqan meesha tan”.


Ilaalinta iyo difaacida FAD ee Hawlgalka Atalanta uu ka shaqaynaayay waxay qayb ka tahay tallaabada midowga yurub ee ku aadan xasillonida gobolka.

Categories