MARKABKA CIIDAMADA BADA EE MIDAWGA YURUB EE ESPS MÉNDEZ NÚNEZ WAXA UU GACAN SIIYAY MARKABKA BOOYADA AH EE MV ROYAL GRACE MARKII UU KA XOROOBAY BUDHCAD-BADEED

Apr 02, 2013 - 13:39
8 dii Maarso 2013 ayaa markabka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub (CBMY) ee ESPS Méndez Núnez waxa uu gargaar uu aad ugu baahnaa siiyay shaqaalaha markabka booyada ah ee MV Royal Grace oo siday kiimiko kadib markii ay si lama filaan ah u siidaayeen budhcad-badeeda Soomaalidu. Budhacd-badeedu waxay haysteen markabka tan iyo markii ay ku weerareen Gacanka Cumaan sanad ka hor ee 2dii Maarso 2012.

Xili hore oo saaka aroortii ah markabka ESPS Mendez Nunez waxa uu roondaynayay meel 20 mayl badeed u jirtay xeebta waqooyi ee Soomaaliya, markii uu arkay MV Royal Grace oo socda dhinaca waqooyi ee dekadii ay budhcad-badeedu ku haysteen isaga oo ku socday xawaare dhan 4 knots. Waxyar ka dib, markabka ESPS Méndez Núñez waxaa soo gadhay fooniye uu u soo diray kabtankii markabka MV Royal Grace kaas oo u xaqiijiyay in markabkiisu hada xor ka yahay budcad-badeedii haysatay iyo in 20 naakhuude oo la socday ay u baahan yihiin gargaar cunto, biyo iyo daawo.

ESPS Méndez Núnez waxay si degdega ah ugu dirtay kooxaha maraakiibta dulbaxda iyo kuwa caafimaadka markabkii MV Royal Grace. Ka dib markii ay ku hubsadeen cunto iyo biyo, way baadeen iyagoo labo ka mida siiyay daawo.

MV Royal Grace hada waxay ku sii jeedaa Masqad iyadoo isha ay ku hayso markabka kale ee CBMY ee ESPS Rayo.

Isagoo ka hadlayay gargaarka ay siiyeen Markabka MV Royal Grace ayaa Admeral Dhexe Bob Tarrant, oo hada ah Taliyaha Hawlagalada ee CBMY waxa uu yidhi “Niyada ayaa iigu dagtay in naakhuudayaashii MV Royal Grace ay hada nabad qabaan kuna socdaan gurigoodii. Waxay ragan iyo qoysaskooda u ahayd wakhti aad u warwar badan”

Categories