MARKABKA CIIDAMADA BADA EE MIDAWGA YURUB ESPS MÉNDEZ NÚNEZ AYAA GACAN SIIYAY MARKAB-BOOYAD AH OO KALE KA DIB MARKII AY SII DAAYEEN BUDCAD-BADEED SOOMALI AH

Apr 02, 2013 - 13:43
Maalmahan aad ayuu u mashquulsanaa markabka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub (CBMY) ee loo yaqaan ESPS Méndez Núnez. Markab-dagaalka oo laga leeyahay dalka Isbayn ayaa fulinayay roondo looga hortagayay budcad-badeeda xeebta Soomaalida, waxaana markale u suurta gashay inuu siiyay ilaalo uu u baahnaa, markabka booyada ah ee loo yaqaan MV Smyrni ka dib markii laga sii daayay gacanta budcad-badeed Soomaali ah.

MV Smyrni oo ay la socdeen 26 naakhuudayaal ah markii la afduubay 11kii Maayo 2012 waxa uu waday 135000 oo tan oo saliid caydhiin ah. Waxaana la aaminsanyahay in madaxfurasho la bixiyay kadib toban bilood oo markabkan lagu haystay deked budhcad-badeedu ay ku leeyihiin xeebaha Soomaalida. Maalintii Axada ee 10ka bisha Maarso 2013 ayay siidaayeen budhcad-badeedii hubaysnaa.

Ka dib markii lagu wargilayay sii daynta islamarkaana, gargaar horleh la siiyay markabka booyada ah ee MV Royal Grace oo waday kimiko, ayaa ESPS Mendez Nunez loo xilsaaray inay aad ugu kuurgasho MV Smyrni isla markii uu ka dhaqaaqay dekeda budhcad-badeeda. Waxaa sidoo kale dusha kala socday diyaarada roondada P-3 ee Jarmalka iyo CBMY ee Isbayn.

Mulkiilihii ayaa xili hore oo subaxdii Isniinta ee 11kii Maarso u xilsaaray koox ilaalo ah oo gaara inay badbaadiyaan markabka oo u sii socday dhinaca waqooyi ee Salalah.

Markabka ESPS Mendez Nunez waxa uu sii waday roondadiisii uu kaga hortagay budhcad-badeeda.

Isagoo ka hadlayay gacantii la siiyay MV Smyrni ayaa Admeral Dhexe García de Paredes, oo ah Taliyaha Xooga La Dagaalanka Budhcad-Badeeda ee Midawga Yurub waxa uu yidhi “Niyada ayaa iigu dagtay siidaynta MV Smyrni oo naakhuudayaasheeduna ay nabad qabaan goordhawna ay ku biiri doonaan qoysaskooda ka dib toban bilood oo aad u adag. Waa inaan xasuusnaano in wali budhcad-badeedu haystaan 2 markab 60 rag ahna ay xoriyada ka qaadeen iyaga oo aan ogolayn. Dhacdooyinkii ugu damyeeyay ee maraakiibta dagaalka ee CBMY fashiliyeen waxay muujinayaan in wali budhcad-badeedu isku dayayaan inay bada galaan si ay weeraro ugu qaadaan maraakiibta. Waa inaan taxadirnaa, maraakiibta ka gubaya Badwaynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed dhayalsigooda waxaa ka faaiidaysanya budhcad-badeeda. Ganacsiga budcad-budadeeda waa la liiciyay ee lama jabin. Halistuna way jirtaa.

Categories