Markabka Dagaalka ee Isbayn ee Ciidamada Bada Midawga Yurub ESPS Numancia Ayaa gacan siiyay Laba Badmaax oo Filinbiin ah oo si Xun Loogu Dhaawacay Badda Dhexdeeda

Jul 10, 2013 - 16:33

Mahad aad u diiran ayaa soo gaadhay taliyaha iyo naakhuudayaasha markabka dagaalka ee Isbayn, ESPS Numancia, ee ka tirsan Ciidamada Bada Midawga Yurub taas oo uga timid shaqaalaha markabka booyada kiimikada ah ee MT Perl, tani waxay ka ka dambaysay markii markabkan reer Isbayn uu kaalmo u fidiyay laba naakhuude oo filibiiniyiin ah kuwaas oo si aada ugu dhaawacmay ka dib markii ku gubteen dusha markabkooda ganacsi.


Maalintii Jimcaha ee 7da June ayuu dabku ka kacay qolka mishiinka. Labada markab ee ESPS Numancia oo 200 bad bayl u jiray iyo HMAS Newcastle oo qayb ka ah Ciidamada Bada ee Isku-dhafka ah oo deriskiisa ahaa waxaa u suurta gashay inay badda xidhaan si ay kaalmo ugu fidayaan.


Helikobtor ayaa maalintii Sabtida 8da June ka soo duushay HMAS Newcastle waxay dhaawacii nimanka u duulisay markabka HMAS Newcastle dushiisa. Labada nin waxaa soo gaadhay dhawaacyada gudniinka heerka labaad iyo kan sedexaad hadana kooxdii caafimaadka waxaa u suurto gashay inay kaalmadii ay aadka ugu baahnaayeen oo degdega ay ku siiyaan markabka dushiisa.


Dhaawacyadooda u baahnaaday dhakhaatiir takhasus darteed waxaa loo gudbiyay ESPS Numancia maadaama oo ay u sii socotay dhinaca Sishilis maalinta xigtay


ESPS Numancia waxay gaadhay dekeda Victoria ee Sishilis maalintii Axada 9ka June halkaas oo oo gaadhi amblans ah oo ku sugayay uu ka sii qaaday una gudbiyay cisbitaalkii ugu dhawaa si daawayn dheeraada loo siiyo. Markii ay ka duuleen markabka ESPS Numancia labada ninba waxay u mahadnaqeen shaqaalihii markabka iyo sidii niyad wanaaga ahayd ee ay u daryeeleen.


Run ahaantii, tani waxay ahayd daabulkii caafimaad ee markabka ESPS Numancia ay samaysay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay. Tii hore waxay ahayd markii mid ka mida shaqaalaha markabka RFA “Fort Victoria” loo gudbiyay Salalah oo ku taala wadanka Cumaan.


Taliyaha ee ciidanka markabka ESPS Numancia Luis Díaz-Bedia Astor ayaa isagoo ka hadalayay kaalmadii caafimaad ee ay siiyeen dhaawacii soo gaadhay naakhuudayaashii labada ahaa ee markabka MT Perla  waxa uu yidhi “Aad baan runtii ugu faraxsanahay shaqaalahayga. Sida Ciidamada Badda ee Midawga Yurub ay u muujiyeen xakamaynta budhcad-badeeda iyo waliba sida ay diyaarka ugu yihiin inay caawiyaan badmaayada halista ku sugan.


ESPS Numancia waxay ka mid tahay Hawlgalka la dagaalanka budhcad-badeeda ‘Howlgalka Atalaanta’ laga soo bilaabo 3dii Abril 2013

Categories