Markabka Dagaalka ee NRP Alvares Cabral Waxa uu sii Waday xidhiidhka Adag ee uu La leeyahay Barnaamijka Cuntada Aduunyada

Jul 10, 2013 - 16:27

Markabka Dagaalka NRP Álvares Cabral ee Hawlgalka Atalaanta ee Ciidamada Bada Midawga Yurub intii uu ku guda jiray booqashadiisa  dekeda Mambasa waxa uu martigaliyay madax ka socotay Barnaamijka Cuntada Aduunka (WFP). Booqashadiisa dekeda Kenya waxay ku soo beegantay imaanshiyaha markabka WFP ee loo yaqaan MV Caroline Scan taas oo u ogolaatay kooxda ceedamada badda ee Finlandiska ah inay la wareegaan hawsha Ilaalinta Madaxa Banaan taas oo kala badhaysa daabulkii ciidamada Findlandiska kuwaas oo ay ka go’antahay ilaalinta markabka Caroline Scan.


Ilaalinta maraakiibta Barnaamijka Cuntada Aduunyada ee gargaarka u wada Soomaaliya waa shaqadii ugu muhiimsanayd ee Ciidamada bada ee Midawga Yurub ay ku gaadheen wadashaqaynta Xarunta Dhexe ee Hawlgalada ee ku taala Northwood, Xarunta Dhexe ee Ciidanka Badda iyo Xafiiska WFP ee Kenya. Tan iyo intii uu bilaabay hawlgalkooda Ciidamada bada ee Midawga Yurub waxay ilaaliyeen 172 oo markab oo ay leedahay WFP. Si ay uga jawaabaan baahida maraakiibta WFP waxay si joogta u raacaan inta ya ku sugan yihiin aaga hawlagalada.


Ifigenia Metaxa oo ah Sarkaalka Adeegyada iyo Rarka WFP oo ku suagan Kenya waxa uu yidhi “waxaan marka hore u mahad naqayaa Xarunta Dhexe ee Ciidanka Badda iyo markabka NRP Álvares Cabral sidii ay noosoo dhaweeyeen iyo warbixiinti ay nasiiyeen. Ka go’naanshaha Ciidamada Badda ee Midawga Yurub ee inay raacaan markabka WFP la’aantii maanaan gaadhneen meesha aan hada gaadhnay. Ka go’naashan ka hor waxaan heli jirnay raacitaan aan la isku halayn karin taas oo xadidi jirtay inta raashina ee aan rarayno. Ka go’naanshahan micnihiisu waa inaan raashinka u qaybino malaayiinta Soomaalida ah ee aadka ugu baahan”.


Ciidamada Bada ee Midawga Yurub waxay ilaaliyeen Barnaamika Cuntada Aduunyada  taniyo bishii Diisanbar 2008 waxayna suurta galiyeen 800,000 oo tan oo cunto ah inay u qaybiyaan dadka Soomalida ah ee aadka ugu baahan.

Categories