Markabka De Ruyter ee Ciidamada Dhajka (Wadanka Holand) ee ka tirsan Ciidamada Bada ee Midawga Yurub (CBMY) ayaa Sagaal Budhcad-badeednimo looga shakiyay ku wareejiyay Sishelis

Mar 19, 2013 - 10:23
Maalintii Isniinta 25kii Febraayo Markabka HNLMS De Ruyter ee Ciidamada Dhajka oo ka tirsan Ciidamada Bada ee Midawga Yurub (CBMY) ayaa sagaal budhcad-badeednimo looga shakiyay ku wareejiyay maamulada Sishilish si dacwad loogu oogo. Wareejintu waxay dhacday 19kii Febraayo ka dib markii Markabka HNLMS De Ruyter oo fulinayay roondaynta budhcad-badeeda uu ku joojiyay laba doomood meel u jirta 120 mayl badeed xeebta Soomaaliya gacantana ku dhigay sagaal nin oo budhcad-badeednimo ay uga shakiyeen oo saarnaa doomaha.

Intii lagu guda jiray hawlgalkan ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ka kala socday markabka HNLMS De Ruyter iyo markabka CBMY oo ay waliba la jirtay diyaarda reer Isbayn, ee ka tirsan CBMY qaybta Roondada iyo Indha indhaynta Bada, waxaa u suurta gashay inay xadidaan labada doomood waxayna dadaal wada jira ka dib ku joojiyeen bada dhexdeeda oo xeebta waqooyi-bari ee Eyl u jirta 200 oo mayl badeed. Deedna sagaalkii nin waxaa lagu hayay Markabka HNLMS De Ruyter dushiisa si loo sii baadho cadaymana looga uruuriyo si loo darso suurtagalnimada in dacwad lagu oogo. Labadii doomood ee weerarkana waa la sii hayay.

Markabka De Ruyter oo isagu haatan ku xidhan dekeda Victoria waxa uu ku wareejiyay sagaalkii budhcad-badeednimada looga shakiyay maanta kadib markii ay aqbaleen maamulka Jumhuuriyada Sishilis inay ay qaataan si ay u dacweeyaan.

Isagoo ka hadlayay wareejintii labaad ee guulaysaty ee budhcad-badeed ay CBMY ku wareejiyaan mudo 5 todobaab gudohooda ah ayaa tilyaha Hawlgalka ee CBMY Admeral Dhexe Bob Tarrant waxa uu yidhi “waxaan soo dhawaynayaa go’aanka Jumhuurida Sishils ay markale ku maxkamdaynayso kuwa weerarada dhinaca bada looga shakiyo. Sishelis waa lamaanha Midawga Yurub oo soo jireen ah wayna ka go’antahay ladagaalanka budcad-badeeda. Mar kale waxaan si cad ugu sheegaynaa budhcad-badeeda in CBMY ay marwalba raadin doonaan sidii ay maxkamad ula tiigsan lahaayeen”.

Wareejintii hore waxay dhacday markii ka dib bishii 25kii Janaayo 2013 laba iyo toban budhcad-badeed looga shakiyay lagu wareejiyay Morishiyoos si ay u maxkamadeeyaan.

Categories