Markabka Hawlgalka Atalanta oo badbaadiyay 92 ruux oo ka mid ah rakaabkii markabkii qalibmay.

May 04, 2016 - 14:41

29 kii bishi April 2016 ka markabka Hawlgalka Atalanta ee sida calanka Jarmalka ee loo yaqaan FGS Bayern ayaa badbaadiyaay 92 ruux oo ka mid aha rakaabkii saarna markabkii qalibmay. Iyagoo ka qayb qaadanayay Hawlgalka Badbaadada Dadka ku go’doomay badda (SOLAS).


Markabkaasii waxaa markii u horaysay bilnaan saday diyaarad ay leeyhin kooxda kormeerka badda ee dalka Japan (MPRA) oo ka mid ah Hawlgalka Badda ee ka hortagga burcad badeedka. Kuwaasi oo arkay in u markabku wax naq naqaaq ah aan sameeyneyn muddo ka badan intii logu talagalay. Isla markaasna waxaa la soo ogaysiiyay Xogga Badda ee Midowga Yurub. Kadib markii la soo xaqiijiyay halku markabku joogay; waxaa u markabka Hawlgalka Atalanta u bilaabay in u baaritan ku sameeyo.


Markii u soo gaadhay markabkii qalibmay habeenimadii 28kii bishi April balse u gudaha u galay malinnimadii dambe 29 kii bishi April. Xalad amni awgeed waxaa la ogaadey in markabka cillad xagga injiinka ah ay saamaysay oo ay isku deyen in ay hagaajiyaan injineerintii  ka socday FGS Bayern. Nasib darro ay waxba ka qaban kari waayen,.Rakaabkii saarna wuxu aha 92 qof oo ay ka mid yihin 11 dumar ah iyo 7 carruur.


Taliyaha guud ee FGS Bayern ayaa ka dib markii uu xaalada eegay ee u qiimeeyay in ay tahay kiis SOLAS ah; waxaa u rakaabkii ka koobna 92ka ruux u saaray Markab dagaalkii Jarmalka aha. Inta kadib waxaa u la xiriiray saraakiishii UNHCRta ee Soomaaliya, waxaa ay isku waafaqen in rakaabka loo qaado ilaa xeebta Bosaaso.


Wada hadallo lala yeeshay kabtanka markabka ka dib waxaa la gartay in markabkii lagu daayo badda si loo ilaaliyo nabadgaliyada dadka kale ee soo maraya meesha.


Markay saacadu ku beegnayd 6dii oo rubuc la’ 29 kii April waxay FGS Bayern u gudbiyeen rakaabkii madaxda dekadda Puntland ee magaalada Bosaaso. Kadib markakbkii FGS Bayern u si watay hawlihii ka hortagga burcad badeedka ee u ku kormeerrayay Badweynta Hindiya.

Categories