Markabka ilaalada ah ee madaxa Banaan ee Jarmalka ayaa Dalka Finland ku Wareejiyay Ilaalinta Markabka Barnaamijka Cuntada Aduunyada

Apr 02, 2013 - 13:41
Markabka ilaalada ah ee madaxa banaan ee Jarmalka kaas oo lala hawlagaliyay Ciidamada Bada ee Midawga Yurub (CBMY) ee Hawlgalka Atalaanta ee Soomaaliya ayaa masuulida ilaalada markaba Barnaamijka Cuntada Aduunyada (BCA) ee loo yaqaan MV Caroline Scan ku wareejiyay dalka finland 15 kii Maarso.

Markabka Jarmalka wuxuu ku laabanayaa dalkiisa ka dib markii uu mudo shan bilood ah si guula u ilaaliyay markabka u kiraysan Barnaamijka Cuntada Aduunyada. Jarmalku waxay 12kii Oktoobar shaqada kala wareegeen dalka Holand.

Shantii bilood ee la soo dhaafay waxaa jiray laba wareeg oo ilaalo ah oo ay ciidamada bada ee Jarmalku siiyeen markabka BCA kaas oo waday cuno ay dadka Soomaalidu ee Geeska Afrika aad ugu baahnaayeen.markabka MV Caroline Scan waxaa looga baaqayay dekado kala duwan oo Soomaaliya ah sida Kismaayo, Muqdishu, Berbera iyo  Boosaso. Si ay u daabulaan cunto iyo gargaar.

Ku Xigeenka Taliyaha CBMY, Admeral Dhexe, Eric Dupont waxa uu Hawlagka Ciidamada Bada ee Midawga Yurub (CBMY) ee Hawlgalka Atalaanta u sharaxay kooxda ambabaxaysa ee Jarmalka. Marti kala duwan oo ka socotay ciidamada Jarmalka, Fransiiska, Talyaaniga, Ingriiska iyo Finnishka iyo waliba ergo ka socotay Barnaamijka Cuntada Aduunyada ayaa ka qaybgalay.

Hada waxay shaqadan muhiimka ah ku wareejiyeen Markab Finnish ah.

Admeral Dhexe Dupont, waxa uu xiligii lagu guda jiray xil-wareejinta yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta halkan joogo si aan ugu mahad celiyo Jarmalka, hawshana ugu soo dhaweeyo Finnishka. Ilaalinta maraakiibta Barnaamika Cunada Aduunyadu waxay saldhig u tahay hawlgalkayaga. Idinkuna maadaama aad tihiin ilaalada madaxa banaan waxaad door muhiim ah u leedihiin daadalada Hawlgalka Atalaanta ee la dagaalanka budhacd-badeeda kuwaas oo lagama maarmaan u ah Qorshaha Guud ee Midawga Yurub ay ku taageerayaan aasaaska jawi nabad iyo amaan ah oo Soomaaaliya dhexdeeda ah”

Taliyaha Ilaalada Madaxa Banaan ee Markabka Jarmaka ayaa hawshiisa ka yidhi “In kooxdayda iyo naakhuudayaasheeduba ay masuul ka noqondaan markabka BCA waxay ahayd hawl adag, laakiin aad baan ugu faraxsanayn shaqada, kooxduna aad bay u wacnaayeen. Diyaargarawgayagii sida: barashadii taariikhda iyo xaalada Soomaaliya ee aan ka helnay turjumaankayaga, tababarakii xeeladaha een siinay markabka BCA iyo shaqaalihiisa si aan u xaqiijino ilaalada markabka gargaarka fidiya iyo tababarkii caafimaadka; dhamaan waxay damaanad qaad u noqdeen shaqada wacan ee kooxdayada. In kasta oo si madax banaan u shaqaynaynay, hadana waxaan marwalba aaminsanayn inaan hoos hadhsanayno dalladda Hawlgalka Atalaanta”.

Taliyaha Ilaalada Madaxa Banaan ee Markabka Finnishka ayaa xaflada ka sheegay “In ay hawshan xiliga xiisaha leh kusoo aaday Finishku hiigsanayaan. Ilaalinta markabka BCA way ka duwan tahay tii markabka dagaalka. Doorkani waa mid aad qiimo u leh waanan sii wadi doonaa xidhiidhkii wacnaa ee naakhuudayaashu la lahaayeen kooxda Jarmalka. Inkasta oo dhacdooyinka budhcad-badeeda aad loo yareeyay hadana kooxdani ma fudaydsan doonaan wayna sii wadi doonaan tababarada inta lagu jiro hawsha. Yaraanta weerarada budhcad-badeedu way is-bedeli kartaa”.

Ilaalinta markabka MV Caroline Scan waxaa si aada u soo dhawayay kabtan Gerasymov Mykola oo ah kabtanka MV Caroline Scan kaas oo yidhi “waxaan uga mahad celinayaa Markabka Ilaalada Gaarka ah ee Jarmalka dhamaan shaqadii adkayd iyo dadaalkii, waxaanan u rajaynayaa inay helaan fasax ay ku nastaan. Shaqaalahayga iyo aniguba aad baan u soo dhawayanaynaa kooxda Finnishka ee markabka saaran, waanan ku faraxsanahay ilaantooda markabka Caroline Scan”.

Maareeyaha dalka Soomaaliya ee Barnaamijka Cunada Aduunyada Mudane Stefano Porretti ayaa isna muujiyay mahadnaqa uu u hayo Ciidamada Bada ee Midawga Yurub isagoo ku hadlaya magaca BCA ayuu yidhi “waxaan jecelahay inaan hoosta ka xariiqo taageerada CBMY ay siiyaan hawsha aadamanimo iyo gaar ahaan BCA. Waxaan maanta aragnaa maaha kaliya in dad dalal kala duwan ka socdaa ay bixiyaan xirfadooda ee waxaa muhiima in aan cadayno in dadaalka dadkani ay caawinayaan malaayiin dad ah dalka Soomaaliya dhexiisa. Waxaan filayaa tan iyo intii la shaqo galiyay Hawlgalka Atalaanta 2008 iyo gacantii ay siiyeen maraakiibtayada daabulka in CBMY ay u suurto gashay inay garab-galaan cunto iyo gargaar badbaadiyay malaayiin nafood. Dadaalkiina ayaa ku mahadsan in BCA ay maalin kasta cuno ku siiso Soomaaliya dad qiyaastii ah 1.5 million. Tani waa mahadnaq shaqsi ka ergay ahaan laakiin waxaan markale magaca maareeyaha idiinku mahad naqayo gacanta aad siiseen malaayiinta Soomaalida. Waad mahadsantihiin.

 

Maraakiibta Ilaalada Gaarka ah ee CBMY waxay door muhiima ka ciyaaraan Hawlgalka Atalaanta dhexdiisa. Waxay ilaaliyaan maraakiibta BCA ee daabulaya cuno ay dadka Soomaalidu aad ugu baahan yihiin, waxa kale oo ay CBMY ka xoreeyaan adeega lagu garab-galo BCA iyaga oo u sahla inay fuliyaan hawsha la dagaalanka budhcad-badeeda ee balaadhan.

Categories