Markabka Ilaalada Madaxa Banaan ee ay Laga Leeyahay Wadanka Finland oo ka Tirsan Ciidamada Bada Midawga Yurub waxa uu ku Shaqeeyaa Xirfad Sare

Jul 10, 2013 - 16:36

Markabka Ilaalada Madaxa Banaan (AVPD) oo ka trisan Hawlgalaka Atalaanta ee Ciidamada Badda Midawga Yurub (EU NAVFOR) ee Soomaaliya waxa loo xilsaaray inuu ilaaliyo markabka Barnaamijka Cuntada Aduunyada (WFP) ee loo yaqaan MV Caroline Scan.


Maadaama oo uu saacad walaba ku lamaanyahay MV Caroline Scan ayaa Markabka Ilaalada Madaxa Banaan (AVPD) waxa uu xaqiijiyaa amaanka rarka WFP iyo ku-rogida gargaarka aadka loogu baahan yahay ee u socda dekedaha Muqdisho, Boosaaso iyo Barbara oo ah meelaha dadka Soomaalida laga gaadhi karo.


Si shaqadooda looga dhigo mid tayadoodu sarayso, tababaro joogto ah ayaa la siiyaa marka ay badda soo galaan. Tabaradan waxaa ka mida maaraynta aasaasiga ah ee hubka, adeegsiga xooga, qoditaanka, isgaadhsiinta, tababaro caafimaad iyo jimicsiga jidhka.


Si ay xirfadooda kor ugu qaadaan, intii ay badda ku jirtay Markabka Ilaalada Madaxa Banaan (AVPD) waxay qabatay laba tababar oo muhiim ah: dhifays qodaalka iyo badbaadinta dhaawaca oo isku dhafan.


Tababarku waxa uu ku bilaabmay  iyadoo unugyada ciidanka laga dalbaday inay soo xadididaan qof aan la garanayn oo ka muuqda badda dhinaca maraakiibta. Waxaa xigay in mid ka mida shaqaalihii uu si kooban u soo indha-indheeyay.


Kooxdii ciidanka ahayd waxay u dhaqaaqeen dhinicii badda ee xaaladu ka taagnayd, kadibna waxa la dhaawacay mid kamida ciidanka.


Tani xaaladii waxay gaadhsiisay in loo baahdo doolotus badbaadinta dhaawaca ah. Xaaladii hadana way sii adkaatay ka dib markii uu soo muuqday qof kale oo aan la garanayn.


Ka dib markii ay kooxdu gacanta ku dhigtay xaalada oo isla markaana ay siiyeen gargaarka degegdega ah saaxiibadood, ciidanku waxay heleen warbixin ku saabsan sida ay hawsha u qabteen.


“Diyaarrgarwga iyo daba galka joogtada ah ee badda dhexdeedu waxa uu keeni karaa daal laakiin tababarka joogtada ahi waxa uu ka dhigayaa askarta kuwo niyadoodu sarayso islamarkaana xirfad badan, sidaas daraadeed diyaar ayaan u nahay xaald kasta oo aan waajahno” ayuu yidhi taliyaha masuulka ka a Markabka Ilaalada Madaxa Banaan (AVPD). “Sidani waa dariiqada aan ku xaqiijin karno in gargaarkii ay aadka ugu baahnaayeen 1.5 milyan qof ee ah dadka WFP ay caawiso”.


Markabka Ilaalada Madaxa Banaan (AVPD) ee reer Findland waxaa uu Ciidamada Bada ee Midawga Yurub la sii shaqayn doona ilaa bisha Ogoosto, markaas ka dib koox ka socota wadanka Litwaaniya ayaa xilka la wareegi doonta.

Categories