Taliyaha ciidanka badda ee Hawlgalka Midowga Yurub ayaa laba jibaaraya xoojinta feejignaanta ilaalada badda, kadib markii weerar ay ku qaaden markab nooca kiimikadda qaada niman loo tuhunsanyahay inay yihin burcad badeed.

Nov 21, 2016 - 10:21

Taliyaha ciidanka badda ee Midowga Yurub ee ka Hawlgalla Soomaaliya Rob Magowan CBE ayaa ku nuux nuux saday baahida loo qabo in la xoojiyo feejignaanta ilaalada badda, kadib markii markab nooca kiimikadda qaada CPO Kuuriya laga soo warramay in 6 nin oo hubbeysan weerar ay ku qaaden meel 330 mile u jirta xeebta Bari ee Soomaaliya. Weerarkaasi waxaa la soo xaqiijiyay kadib markii dhacdada baadhitan xoogan lagu soo sameeyay.


Intii lagu gudajiray weerarkaasi waxaa la is weydaarsaday rasaas dhowr ah – tasoo dhexmartay 6 nin oo hubbeysan oo saaran doon xawli ku socota iyo kooxdii ammaanka ee la socotay markabka CPO Kuuriya. Ugu danbeyntii, nimankii loo tuhunsana burcadnimada ayaa baxsaday markii ay kooxdii CPO Kuuriya ay ku guuleysteen inay iskadhiciyaan iyagoo isticmaalaya hab isdifaacid aad u sarraysa -waxaa ka mid ah inay kordhiyen xawligii u ku socday markabkoodu, inay jihada u bedeleen iyo waliba inay ku furen tuunbooyin daab ah si ay uga hortagan weerarkaasi. Islamarkaana, CPO Kuuriya ayaa si nabad ah socdaalkisii ku maray Badweeynta Hindiya iyadoo qofna uusan ku dhaawacmin sida warbixintu ay sheegtay.


Waa markii u horraysay muddo laba sano iyo badh ah laga joogo oo markab ganacsi lagu weeraro biyaha Soomaaliya. Weerarkani wuxu ka dambeeyay markii 26 qof oo laga qaatay markabkii kalluumaysiga aha ee Naham 3 la soo daayay 22 kii bishi October, dad kaaso 4 sano iyo badh ay heysten burcad badeed Soomaali ah.


Weerarada burcadka ee Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya waxaa ay kor u kaceen 2008 dii iyo Janayo 20011 kii. Kuwaasoo sababay inkabadan 700 oo qof in lagu qafaasho iyo 30 markab ay burcad badeedu qabsato. Sannadihii u dambeeyay weerarada burcad badeedku hoos ayay u dhaceen, taas waxaa sababay ciidamadda la dagaalanka burcad badeedka oo koormeer 24 sac ka wadda xeeebaha Soomaaliya iyo hay’adda badda oo qaadatay tallaabooyin laga ga hortaggayo burcad badeeda.


Major General Magowan  ayaa sheegay isagoo ka hadlaya weerarkii lagu qaaday markabka CPO Kuuriya “ weerarkani wuxu ka markhaati kacaya in burcad badeedku ay wali u hellan yihin inay  weeraro ku qaadan maraakibta si ay uga helan madax furasho oo ay kadibna dhibaato u geystaan badmareenada iyo qoysaskooda. Waxaa laga maarman ah inay Beesha Caalamku arrinkan ka feejignaato. Ciidanka badda ee Midowga Yurub ayaa la kaashanaya hay’addaha la dagaalanka burcad badeedka inay isugu tagan dadaal loo dhan yahay sidii ay burcad badeedka uga tirtiri lahaayen biyaha xeebta Soomaaliya.


Malkiilaha markabka aya isaguna yidhi “ annagu haddan nahay ciidii markabka ka mas’uulka ka ahayd waxaan rabnaa inaan u mahad celino kooxdii ammaanka markabka u xilsaarnayd sida ay u badbaadiyeen rakaabkii markabka saarna, markabkii iyo bay’addii intaba ee ay si xirfad leh isaga difaacen weerarka burcad badeedda. Inkastoo ay tiradii weeraradu hoos u dhacen gobolka haddana waxaa wali jira khatar dhaw oo ay burcad badeeda Soomaaliyeed sabab u tahay,  haddaba waxaa loo baahanyahay arrinkan inay wax ka qabtaan malkiilayaasha iyo mas’uuliyiinta maraakibta iyagoo u dhan”.

Categories